Pages

Saturday, October 5, 2013

Mata Oo Lagu Soo Daray Iyo Soldado Oo Ka Maqan Xulka Spain.


Tababaraha xulka Spain Vicente del Bosque ayaa dib ugu soo yeedhay Juan Mata kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Belarus iyo Georgia.




 Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea ayaa kursiga keydka waxaa geliyay xilli ciyaareedkan Jose Mourinho,




waxaana uu seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee xulka Spain madaama aanu si joogta ah u ciyaareynin, laakiin waxaa haatan lagu soo daray xulka ka koobka 23ka ciyaaryahan ee kulamada isreebreebka ciyaaraya 11ka iyo 15ka bishaan October. Xiddigaha Atletico Madrid Mario Suarez iyo Koke ayaa booskooda galiyay caajis si la mid ah kubadsameeyaha Real Madrid Isco,




 inkastoo aan loo soo yeedhin weeraryahanka Tottenham Roberto Soldado, inkastoo uu Spain shabaqa u soo taabtay kulankoodii ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Chile.




 Dhanka kale, xiddiga Sevilla Alberto Moreno ayaa markiisii ugu horeysay loogu soo yeeray xulka, inkastoo Diego Costa aan loo soo yeedhin iyada oo xidhiidhka kubada cagta Spain ay sugayaan in ogolaansho ay u helaan in xiddigan uu u ciyaaro La Roja. Ciyaartoyda dhaawaca ku maqan Xabi Alonso, Jordi Alba, Santi Cazorla iyo Fernando Torres ayaa dhamaantood laga soo tagay. Xulka Spain Ee La Magacaabay: Goolhaye: Iker Casillas (Real Madrid), Jose Reina (Napoli), Victor Valdes (Barcelona) Daafac: Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Juanfran (Atletico Madrid), Gerard Pique (Barcelona), Raul Albiol (Napoli), Sergio Ramos (Real Madrid), Ignacio Monreal (Arsenal), Alberto Moreno (Sevilla). Khad Dhexe: Sergio Busquets (Barcelona), Mario Suarez (Atletico Madrid), Xavi Hernandez (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), Koke (Atletico Madrid), Isco (Real Madrid), Pedro Rodriguez (Barcelona), Jesus Navas (Manchester City), Cesc Fabregas (Barcelona), Juan Mata (Chelsea), David Silva (Manchester City). Weerar: Alvaro Negredo (Manchester City, David Villa (Atletico Madrid).