Hargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Hay’addaha Amaanka Somaliland iyo Wefti ka socda Xukuumadda Dawlad-deegaanka Somalida Ethiopia ee Kililka Shanaad oo maalmahanba ku sugnaa Magaalada Hargeysa, ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin maanta ku yeeshay xarunta Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
Kulankaasi oo saacado qaatay,ayaa lagaga wada hadlay sidii labada dhinac u xoojin lahaayeen wada-shaqaynta iyo xidhiidhka siyaasadeed ee ka dhexeeya, khaasatan ka wada shaqaynta nabad-gelyada Mandaqada labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo Warbaahinta la hadlay markii kulankaasi dhamaaday.
Shirkan ayaa waxa dhanka Somaliland ka qayb-galeen Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Bilayska, Laanta Socdaalka iyo Ilaalada Xeebaha iyo Saraakiil kale.
Dhinaca weftiga Jig-jiga waxa Hoggaaminaya Wasiirka ka hortaga aafooyinka Maxamed Faarax, kaasoo ay wehelinayaan madaxa xarunta dhexe ee xisbiga talada haya ee dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya, Wasiirka xoolaha iyo beeraha iyo la Taliyaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade ayaa sheegay in Somaliland iyo dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya in ay yihiin laba dawladood oo walaalo ah islamarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagasani.
Wasiirku waxa uu sheegay in kulankan ay la yeesheen weftiga ay ku faaqideen sidii loo sii wanaajin lahaa xidhiidhada iskaashi ee ka dhaxeeya labada dawladood oo ay ugu muhiimsan yihiin nabad-gelyada iyo xog is weydaarsiga.
Wasiir Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in ay jiraan dad sita baasaboorda dawlada Soomaaliya kuwaas oo ka gudba xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya sidaa daraadeed, wixii maanta ka danbeeya ay Somaliland joojisay gabi ahaan in xuduudeeda ay ka gudbaan dad sita baasabooradaasi.
Weftiga ka socda Dawladda Kilalka Shanaad ee Itoobiya ayaa muddo ku sii sugnaan doona Somaliland, waxaanay hore kulamo ula yeesheen wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ah.
Arrimaha ugu waaweyn ee socdaalkooda ayaa la xidhiidha sidii ay wasiirka Arrimaha gudaha ee cusub hanaan wada shaqayneed oo cusub ula geli lahaayeen,maadaama Somaliland dalkooda kaga gudbantahay inta badan dhibaatooyinka ka dhacaya Mandaqada labada waddan ku yaalaan.
Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn arimo ku saabsan dil dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa oo lagu qaarajiyay Nin u dhashay Deegaamada Kilalka Shanaad, kaasoo goor fiid ah dablay hubaysani ku khaarajisay Magaaalada, ilaa hadana dawlada Somaliland warbixin dhab ah aanay ka soo saarin dilkiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com