Pages

Monday, October 14, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilka u Kordhiyay Guddida Diwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka oo wakhtigu ka dhamaaday


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne oo uu caawa soo saaray waxa uu muddo xileedkoodii u cusboonaysiiyay Gudiga diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo muddo xileedkoodii dhammaaday Bishan October.



Wareegto Caawa ka soo baxday Madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu muddo laba sanadood ah ku kordhiyay Shaqadda Guddida, taasoo uu u cuskaday awooddiisa Dastuuriga ah, sida lagu sheegay Wareegtada arintan lagu shaaciyay.



“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.



Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.



Markuu Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.



Markuu Ogaaday: In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.



Markuu Arkay: In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;



Wuxuu go’aansaday



In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.”



Guddidan ayaa hore u soo qabtay shaqo badan, waxaana ilaa hada ay gacanta ku hayaan u garniqidda sharci ee Asxaabta Qaranka ee ay soo saareen.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com