Gar-adag(GNA)-Mid ka mid ah Gaadiid ay wateen Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada oo ku sii jeeday Magaalada Ceerigaabo, ayaa ku qalimay meel 20KM u jirta Magaalada Gar-adag oo weftigu Maanta hadh-galay.
Gaadhigan oo noociisu ahaa Ambulance dawladdu leedahay oo u khaas ahaa Munaasibadaha Qaranka ama xuska maalmaha xornimada lagu rakibi jiray cod-baahiyeyaal bulshada lagu gaadhsiinayo qiimaha Xornimada, isla markaana si weyn uga dhex muuqday xusaskii u dambeeyay ee 18 May, ayaa la dhacay 6 qof oo uu ku jiro Darawalkii waday, kuwaasoo aan wax khasaare ahi soo gaadhin.
Ma cadda sababta Shilkan dhalisay, balse Gaadhigan auaa isagu bur-buray, isla markaana muuqaalkiisa laga arkayaa in dhaawac badani soo gaadhay, dadkii la socday ay dhamaantood bad qabaan inkasta oo naxdin iyo waxoogaa juuc-juuc ahi soo ku dhacay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii la socday oo Gobanimonews la hadlay.
Dhanka kale, Xasan Maal Dhidar oo ka mid ah Koox Warfidiyeen ah oo la socday Gaadhigan ayaa isaguna Gobanimo News Agency u sheegay “Gaadhigaasi wuxuu nagula dhacay Banka sarar meel 20km u jirta Degmada Gar-adag, ilaahay waxba nagumu yeelin maasha alaah waanu ka badbaadnay”ayuu xasan Khadka telefoonka noogu sheegay.
Dhinaca kale, weftiga Ceerigaabo ku socday oo ka Kooban Guddida Dhismaha Jidka Togdheer iyo Sanaag, ayaa ku sii hakaday halkaasi Maanta, isla markaana gelinkii dambe ee Maanta u caraabay dhinaca magaalo-madaxda gobolka, halkaasoo ay hawlo la xidhiidha arinta waddada ka bilaabi doonaan berri,
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com