Monday, October 14, 2013

Gabiley: Xaflad Aroos oo 4 Dumar ah lagu Dilay, 9 qof oo kalene lagu Dhaawacay!Dhacdo Murugo leh


Gabiley(GNA)-Afar Qof oo Dumar ah ayaa dhintay, 9 qof oo kalena way dhaawacmeen ka dib markii xalay Nin hubaysan oo la sheegay inuu Maskada ka jiranyahay, Rasaas Oodda kaga qaaday Munaasibada Aroos ah oo ka dhacday Tuulo la yidhaahdo Ceel-Xadi oo dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Arabsiya ee Gobolka Gabilay, sida ay sheegeen dad goob-joog ah.




Dhacdadan ayaa Xafladii Farxadda ahayd u bedeshay meel murugo iyo Dhiig lagaga yaacay, waxaanay dhacday abaaro 11:00-kii caweysnimo.




Ninka Falka geystay ayaa la sheegay inay walaalo ahaayeen Ninka Arooska ah ee loo ciyaarayay, waxaana magaciisa lagu sheegay Gahayr Xasan, sida uu sheegay mid ka mid ah dadkii indhahooda ku soo arkay goobta mashaqadu ka dhacday "Waxa geeriyooday 4-hablood oo aan dul sitaagay, isla markaana aan indhahayga ku soo arkay,waxaana dhaawacmay 9-qof oo kale,kadib markii nin magaciisa lagu sheegay Gahayr Xasan Muudeey oo lagu sheegay inay maskaxdiisu hagaagsanayn uu rasaas ku furey arooskii oo Ciyaar farxadeedkii ku dhex jira.Ninkan arooska rasaaseeyey waxa ay walaalo yihiin ninka Caruuska ah".Ayuu yidhi MuKhtaar Fanax oo Hadhwanaag u waramay.




Waxaanu intaasi ku daray"Waxay dhacdadan foosha xun dhacday abaaro 11:00-habeenimo markay saacada Geeska Afrika cago-cageynaysay,waxaanay dhacdadani ka dhacday meesha la yidhaahdo Ceel-Xadi oo dhinaca Waqooyi kaga beegana Magaalada Arabsiya ee Gobolka Gabilay". 




Dhinaca kale, sida ay sheegayaan wararka Gobanimonews ka heshay saraakiisha amniga ee Gobolka Gabilay Hay’adaha amaanka ayaa baadhaya falkan foosha xun, waxaana lagu waramay in Ciidamo Bilays ah meesha uu ka dhacay la geeyay.




 inkasta oo ay Somalidu caado u leedahay in Aroos-yada Miyiga dadka ka soo qayb-galaa mararka qaar gacan ka hadal kooxaysi ah dhex maro, hadana Dhacdadan ayaa ah mid ugub ku ah Geyiga Somalida Taariikhda inta la xasuusto.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com