Saturday, October 5, 2013

Ribery: Waxaan ushaqeeya si ka badan sida Messi iyo Ronaldo


Xidiga garabka ee kooxda Bayern Munich,Franck Ribery ayaa sheegay in uu shaqeeyo si ka badan sida ay ushaqeyaan labada nin ee laga yaabo in ay kula tartamaan abaal marinta xidiga aduunka ee Fifa Ballon d’Or ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.




 




Xidiga reer France oo Bayer Munich ka caawiyay in ay qaado sadex koob oo muhiimn ah xagaagii la soo dhaafay ayaa sheegay in uu hada ku bilawday qaab ka fiican qaabka ay ku bilaawdeen Messi iyo Ronaldo.




 




Waxaa uu sheegay in ay tahay shaqo dheeraad ah oo uu naftiisa udiray si uu ugu guuleysto xidiga aduunka.




 




“Waxaan la tartamaya iyaga ,waxaan ushaqeynaya si adag si aan ugaraaco Messi iyo Cristiano Ronaldo , waxaan sameeya caawimaad badan ayuu usheegay jariirada Kicker.




 




“Waxaa ay noqon doontaa wax fantastic ah hadii aan ku guuleysto Fifa Ballon d’Or.




 




“Waxaan heystaa kalsooni badan ka hor inta aanan la tartamin iyaga, waxaan ushaqeyn doonaa si ka baxsan dareenka caadiga ah ayuu hadalkiisa ku daray.




 




Messi ayaa 4 jeer loo magacabay laacibka ugu fiican aduunka