Saturday, October 5, 2013

Ceerigaabo:Wasiirro Xukuumadda ka socda oo u yimi Xalinta Mushkilad Saamayn ku yeelatay Amaanka Gobolka iyo Wada noolaanshiyaha Bulshada


Ceerigaabo(GNA)-Wasiirro ka socda xukuumadda Somaliland ayaa soo  gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.




Wasiirradan, ayaa kala ah Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir Cali, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal , Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Biyaha, waxaana ujeedada socdaalkoodu ku qotontaa laba arimood oo kala ah, xal u helida khilaaf sababay dilal iyo Mudaharaadyo rabshado wata oo Magaalo madaxda ka taagan iyo dar-dar gelin dhinac Bulshada ah.




 “waxaanu u nimi inaanu Xogogal iswaraysano bulshada Gobolka oo aanu waraysano annaguna aanu u warano dhamaan Bulshada”sidaasi waxa sheegay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir oo Weftiga hogaaminaya.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaanu doonaynaa inaanu la kulano shacbiga qaybihiisa kala duwan haday tahay wax-garadka iyo Madaxdhaqameedka, waxaanan doonaynaa inaanu kala hadalno sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Goboladda kale ee dalka ee madaxweynuhu dhagax dhigay”ayuu hadalkiisa raaciyay .




Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in socdaalkoodu qayb ka yahay soo afjarida xiisada ka aloosan Magaalo madaxda Gobolka .




“waxaanu u nimi inaanu bulshada isxogwaraysano, inaanu ka qayb qaadano xalinta kala qaybsanaan Bulshada Magaalada Ceerigaabo dhex taalay beryahan dambe, taasoo aanu doonayno in la soo afjaro, waxaanan ugu baaqaynaa Bulshadu inay nabad-gelyadooda ilaashadaan” ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami.




Wasiiraddan ayaa lagu soo dhaweeyay Gobolka intii aanay soo gaadhin magaalada Ceerigaabo,waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda kulamo la yeeshaan dhinacyada Bulshada Maamulka Gobolka iyo madaxda dhaqanka.




9 ayaa ku dhaawacmay rabshado todobaadkii hore ka dhacay magaalada Ceerigaabo, iyadoo sidoo Askari boolis ah lagu dilay meel wax yar u jirta Magaaladaasi.




Maamulka Gobolka ayaa Bandow ku soo rogay Magaalada, ka dib mudaharaad xili habeenimo ah ka dhacay oo sababay khasaaraha dadka dhaawacmay, waxaana arimahaasi walaac ka muujiyay xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka oo Gobanimonews u waramay.




“Dhaliilo badanbaa ka muuqda amaanka Gobolka gaar ahaan Magaalo madaxda, waana markii ugu horaysay ee Bandow muddo intaasi le’eeg socota lagu soo rogo Ceerigaabo inta la ogyahay, markaa waa in wax laga qabtaa oo amaanka Gobolka, gaar ahaan Caasimada sidiisii lagu soo celiyaa” sidaasi waxa Gobonimonews u sheegay Boqor Maxamed Nuux Cigaal.




Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah Goboladda ugu baaxada balaadhan Somaliland, waxaana hada magaalo madaxdiisa ka muuqata kala qaybsanaan dhanka Bulshada ah oo saameyn karta guud ahaan Gobolka, hadii aan dhakhso wax looga qaban.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: editor@gobanimonews.com