Pages

Friday, October 11, 2013

Muqdisho: Madaafiic Caawa lagu garaacay Xaafado ka mid ah Degmada Xama-weyne oo Dhawaaqooda lagag sasay


Muqdisho(GNA)-Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo la tuhunsan yahay in meelo fog fog ah laga soo riday ayaa caawa fiidkii ku soo dhacay qeybo ka mid ah degmada Xamar weyne, iyadoo aanu sababin wax qasaare ah, sida ay ku warameen goob-joogeyaal iyo Saraakiisha amaanku.

Dadka ku nool Xamar weyne oo la hadlay Jowhar.com ayaa xaqiijiyay in abaarihii 7-fiidnimo ay maqleen dhawaaqa madfac xoog leh oo qeybo ka mid ah xaafadaha ku soo dhacay.

Taliyaha Saldhiga Booliska Xamar weyne G/Dhexe Maxamed Dahir ayaa isaguna goor-dhaweyd warbaahinta u sheegay in ilaa labo xabo oo Hoobiye ku soo dhaceen degmadaasi.
"Labo xabo oo hoobiye ayaa ku soo dhacay Xamar weyne, waxaa tuhmeynaa in meelo fog fog laga soo riday, waxay ku dhaceen goobo cidlo ah"ayuu yiri Taliye Maxamed Dahir.




Ma jirto cid sheegatay Madaafiicdan meesha fog laga soo riday iyo meesha bartilmaameedkoodu ahaa, hase ahaatee tuhuno soo baxaya ayaa tibaaxaya in Kooxda Alshabaab soo riday.
inta badan Weerarada ku jihaysan Degmada Xamar weyne ayaa noqda kuwo loogu talo-galo Aqalka Madaxtooyada iyo Kaamboolka Xafiisyada Dawlada.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com