Pages

Friday, October 11, 2013

ISBIGA UCID MIYAANU OGAYN IN MUDO XILEEDKII GUDIDA DIWAAN GALINTU DHAMAADAY?


“Guddidu waxay xilka haynayaan muddo labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso”Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf

Hortay Waxaa Haboon in Asxaabta Siyaasada Iyo Hay'adaha Doorashooyinka ku Shaqada Lihi Ay Fahmaan Xeerarka Iyo Qorshayaasha Udejisan ee la raacayo Si aanay U Hoos marin Ama Aanay U Marin habaabin.
Maalmahan Waxaa Taagan Dacwad Ka Dhaxaysa Xusbiga Ucid Iyo Xubno Kamid ah Mudanayaasha Golayaasha deeganka ee xusbigaas U Matalaya degmada berbera oo Dhawaan Sifo Burinaysa Xeerka lagu dhaqayo Ku Kacay Xubnahan oo Ku Waayi Kara Mansabka Xildhibaanimo Hadii Danbigan Lagu Helo,  Marka LooRaaco Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka,  Sidii Aynu Ku Soo Aragnay Qormadii  Tanka Horaysay.
Hadii Aan Unoqono Nuxurka Qormadan Sharci Waxaa Isweydiin Mudan Yaa Awood u leh Ka Garnaqida ama Qiimaynta Dacwadan, Bal Aynu eegno Xeerka
Xeeka Nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada NO.14 2000/2011
Sadar Muuqda Su'aal malaha, Xeerku Wuxuu Muujinayaa Laba Marxaladood oo midiba Xili Ay Leedahay Sida Ku Cad Labadan Qodob.
QAYBTA 3AAD: QAABDHISMEEDKA IYO XILKA GUDDIDA DIWAANGELINTA
Qodobka 3aad: Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
6. Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso.
Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha Wakiilada.
QODOBKA 25AAD
Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka
Faqrada 6aad,  Xarfaheeda U & V
u) Gudidda diwaan galinta Ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka ayaa
xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u
soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
v) Marka mudo xileedka Gudidda diwaan galinta Ururada siyaasada iyo ansixinta
xisbiyada qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka
doorashooyinka qaranka.
04, October 2011  Ayuu Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland uu qasriga Madaxtooyadda ku dhaariyey xubnaha guddida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaran, Taas oo Noqonaysa In Mudo Xileedka Gudida Duwaan Galintu Inuu Ku eegayd 04, October 2013, Markay Sidan Tahay Miyaanay Dhamaanin Mudo Xileedkii Gudidaasi Duwaan Galintu, Oo Aynaan Maraynin Xiligii Dacwaha Nocan ah Ay Ka Garnaqayeen Gudida Doorashooyinka Qaranku Sida Inooga Muuqata Qodobkan 25AAD ee Aynu Korku Soo Xusnay

Ugu Danbayn Waxaan Xasuusinayaa Hadiiba Ay Ilawsan Yihiin Gudida Diwaan Galinta Inay Mudo Xilleedkoodi Dhamaysteen oo Aanay Ka Qaban Karin dacwadan Iyo Qayrkeed.
Dhanka Kalena Waxaan Xisbiga Ucid Kula Talinayaa inay raacan Xeer No 14, oo ay Kala Noqdaan Dacwad Gudida Duwaan Galinta Maadama oo ay Dhamaysteen Mudo Xileedkoodi, Una Gudbiyaan Gudida Doorashooyinka Qaranka Sida Ku uu Xeerku Jidaynaayo.