Pages

Monday, October 7, 2013

Minneapolis: Shir Dawlada Federaalka Somaliya ka maqantahay oo ugu Gebagaboobay AMISOM iyo Jaaliyada + Go’aamo ka soo baxay


Minneapolis(GNA) Saraakiil ka socda AMISOM iyo xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliyeed ee Dalka Maraykanka ayaa Shir laba maalmood socday ugu soo gabagaboobay Magaalo madaxda Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ee Minneapolis.




Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka kala yimid Waqooyiga Ameerika kana koobnaa aqoon-yahanno, culumaa’uddiin, haween iyo dhallinyaro, ayaa looga hadlay dhawr qodob oo muhiim u ah dib u dhiska dalka somaliya, iyaddoo kooxda ka socotay AMISOM ay warbixin ka siiyeen xaalada dalka ka soo qayb-gelaayasha somaliyeed.




Dood Dheer iyo aragtiyo labada dhinac isdhaafsadeen ka dib waxa shirkaasi Maanta laga soo saaray qodobo ay istuseen inay door ka qaadan karaan sidii waddanka looga abuuri lahaa Dib u heshiisiin iyo fursado shaqo oo loo abuuro dhalinyarada Ururadda xag jirka ah ku biirta.




Qodobada shirkaasi ka soo baxay oo lagu soo uruuriyay saddex arimood oo muhiim ah ayaa kala ah:-




Dib u heshiinsiinta:





  • In jaaliyadaha dibadda ay taageeraan dib u heshiinsiinta ay waddo dowladda Soomaaliya,


  • In dowladda ay maxkamad soo taagto cid walba oo diidan nabadda,
    In warbaahinta Soomaaliya lagu dhiiri-galiyo in qayb ka qaataan dib u heshiinsiinta iyo in ciidmada AMISOM  ay ku baahaan gobollada Soomaaliya si dadka ku nool gobollada Soomaaliya ay u helaan fursad ay uga wada-hadlaan dib u heshiisiinta.




Shaqo la’aanta dumarka iyo dhallinyarda:





  • In dowladda Somalia ay dajiso qorshe shaqooyin loogu abuurayo dumarka iyo dhallinyarada,


  • In iyadoo lala kaashanayo qorbo-joogta Soomaaliyeed la dhiso xarumo lagu barto farsamada, taasoo abuuri karta shaqooyin wax tar leh,


  • In dowladda ay ku dhiiri-galiso, fududeyso qorista ciidanka gaar ahaan dumarka iyo In dowladda iyo AMISOM oo kaashanaya jaaliyadaha Soomaaliyeed ay shaqo u abuuraan dhallinyarada kasoo goosanyo Al-shabaab.




Dhismaha hay’adaha dowladda:





  • Dowladda Soomaaliya waa inay xoojisaa hay’adaha shaqo-qorista iyadoo shaqooyinka lagu heli karo si caddaalad ah oo ka madax-bannaan musuqmaasuq.


  • Inay abuurto hay’adda madax-bannaan oo la dagaalanta musuqmaasuqa ayna xoojiso hay’addaha dhaqaalaha.




Shirkan ayaanay ka dhex muuqan wax door ah oo ay ku leedahay dawladda Federaalka Somaliya ee metesha shacbiga, waxaana taasi abuurtay dareen odhanaya maxaa AMISOM ka galay arrimaha siyaasadda gudaha ee somaliya, maadaama waxay u xilsaaranyihiin tahay nabad ilaalin.




Dadka fikiradaasi ka dhex guuxayaan ayaa saluugsan ujeedada shirka iyo natiijada ka soo baxday oo marka dhinac laga eego fiican, balse hadana maadaama dawladii dalka ka dhisnayd aanay wax door ah ku lahayn shaki abuuraya.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com