Pages

Tuesday, October 8, 2013

Itoobiya Oo Ka Hadashay Xafiiskii Safaaraddeeda Ee Butland Oo Ay Arimo Amnido Dartood U Xidhay Iyo Safaaraddeeda Hargeysa Oo Noqday Ta Ugu Mashquulka Badan Dunida


 




Madaxa(Gobanimonews)10/8/2013- Xafiiska Arimaha Diblamaasiyadda iyo Qurba Joogta Safaaradda dalka Itoobiya ee Somaliland  Mr Mulugeta Anagaw ayaa markii u horeysay ka hadlay Safaaraddii Putland ee Visa-ha bixinaysay oo sababo dhanka amniga ah loo xidhay iyo Xafiiskeeda Hargeysa oo noqday ka ugu mashquulka badan ee Basborka Viseeya




Mr Mulugeta Anagaw la hadlaayay qaarka mid ah Warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in uu maqlay warar aan la hubin oo sheegaya in dad u dhashay Somaliland Itoobiya lagu xidhxidhay balse hadii taasi ay run noqoto Maamulka Somalida Itoobiya ee Jig-jiga inay faahfaahinka bixiyaan looga fadhiyo isla markaana aanay ahayn wax sidaasi u way nee layska soo dayndoono,




Mr Mulugeta Anagaw oo arimahaasi ka hadlayaay waxa uu yidhi “Waxa aan maqlay warar laysla dhexmaraayo balse waxa lagu xaqiijindoona baadhitaan,hadii ayse taasi cadaato waxa looga fadhiyaa in ay maamulka Jig-jiga ee Somalida Itoobiya sababeeyaan xadhiga dadkaasi oo hadii ay tahay arimo sharciga Xuduudaha ee labada dal,Itoobiya iyo Somaliland aya xal dublamaasiyadeedka gaadhidoona”




 Madaxa Xafiiska Arimaha Diblamaasiyadda iyo Qurba Joogta Safaaradda dalka Itoobiya ee Somaliland  Mr Mulugeta Anagaw mar uu ka hadlaayay adeegyadda Visa ee Safaaradda dalka Itoobiya ee Hargeysi sida xawliga ah  u bilawday waxa uu yidhi “Waxa aanu imika helayna oo gacanta ku hayna 50 Codsiyadda Visa ah ee dadka Viisaha ka doonaayo maalint kasta Safaaraddayada taas oo naga dhigtay Safaaradda dunida ugu mashquulsan,arimaha mashquulka Safaaradda ku keenay waxa ka mid ah ka dib markii la xidhay Xafiiskii Butland  ay Itoobiya ku lahayd arimo bini’aadanimo Xasaasiya awgeed, waana laga yaaba in aanu dib u furno”




Wariye Mr:Hudle




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Office /Somaliland