Pages

Sunday, September 8, 2013

Xulka Qaran Ethiopia Oo U Gudbay Koobka Adduunka


Congo(GNA)-Kooxda xulka Ethiopia ayaa ciyaartiisii ugu danbeysey ee isreeb reebka koobka Adduunka ee qaaradda Africa ku guulaystay maanta.




Xulka Ethiopia waxay 2-1 kaga badiyeen xulka dalka Central Africa Republic oo ay ku ciyaarayeen dalka Congo.




Xulka Ethiopia hogaaminaya group-kiisa ayaa markii u kamid noqday 10 xul ee u gudbay ciyaarta dhaxmari doonta 10-kaas xul ee African-ka ah ee ku ciyaaro doona dalka Brazil, kuwaas oo laga soo saari doono 5 dal ee matalaya Africa.




Sidoo kale, xulka Ethiopia ayaa sanado badan kadib sanadkii hore ee 2012 u gudbay oo ka qayb galay tartanka Koobka Africa.




Ethiopia ayaa hore uga badisay Botsawana, ciyaartaas oo ay ahayd siyaartii sugi layd inay Ethiopia u gudubto, balse dhincahay ay ku heshey ayaa laga baabi’iyay markii la ogaaday inuu u saftay ciyaartoy hore u haystay labo kaadh oo huruud ahi.




Waxaa sidoo kale laga dhur sug oo gudbitaanka Ethiopia ay ku xidhnayd Ciyaarta South Africa iyo Botswana dhax maraysay, taas oo hadii ay South Africa ay badiso oo ay Ethiopia barbardhac iyo wixii ka hooseeya ay South Africa gudbaysay. Ciyaartaas ayay guushu South Africa 4-1 ku raacday.