Pages

Sunday, September 8, 2013

Burco: Boobka Dhulka oo Heega Goostay iyo Maamulka Gobolka oo Maanta ka Dul-dhacay Dhisme laga binaystay Dhul qaybta Bilaysku leedahay


Burco(GNA)-Badhasaabka Gobolka Togdheer  Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji)  iyo taliyaha Qaybta Gobolka Togdheer Axmed Xsan C/raxmaan (Ilkacase),ayaa Maanta joojiyay,Qayb ka mida Gurigii Hore ee uu lahaan jiray Taliyaha Qaybta Gobolku,kaas oo ay dhisanayeen dad Shicib ah oo sheegay inay Mulkiyad dawlada hoose siisay u haystaan.




Dadka dhisanayay Dhulkan ayaa sidoo kale ku dooday inay  waraaq ogolaanshiyo ah ka haystaan  Wasaarada hawlaha Guud, waxaanay saaka arintani sababtay in dhamaanba Maamulka Gobolku ay shir isugu yimaadaan si arintan xal looga gaadho maadaama dadkii dhisnayay ay ku doodeen inay dhulkan u haystaan sharci.




shirkaas oo ay isugu yimaadeen,Badhasaabka Gobolka,Taliyaasha Ciidamada,Maayarka Burco iyo Wasaarada Hawlaha Guud ayaa waxa uu qaatay Mudo saacado ah.Badhasaabka oo aanu wax ka waydiinay Xalka ay arintan ka gaadheen iyo in dadkaas dhisanayay ay sharci u haystaan, ayaa ku jawaabay ''waxaa jira Guri dhismihiisa la joojiyay oo dhismihiisa si tuugo ah lagu waday,Gurigaana dhugmantiyo ayaa loo sameeyay dhugmantigii ayaanu isugu yeedhnay,dawladii hoose,taliyihii qaybta Isu duwihii Hawlaha Guud,waanuna eeganay oo waanu ka baaraa degnay,waxaa jira sharci dawlada hoose oo wakhti hore la sameeyay sharcigii waanu eeganay oo baadhis baanu u dirnay,wixii baadhistaas kasoo baxa ayaanu eegaynaa ka hordhici maayo”ayuu yidhi.




sidoo kale Taliyaha qaybata Gobolka Togdheer Ilkacase oo aanu isna wax ka waydiinay ayaa sheegay in ay joojiyeen Gurigan go'aana ay kasoo saareen.
Dhanka kale Maxamed Biixi oo dhinaca Gurigan dhisanaya ayaa dhiniciisa ku dooday inay Gurigan u haystaan Mulkiyad iyo waliba Waraaq ay ugu ogolaatay wasaarada hawkaha Guud “Mulkiyadii waanu haysanaa oo waraaqdii Hawlaha Guud noogu ogolaatay iyo Mulkiyadiiba waxaaanu u dhiibnay Maamulka'
 Si kastaba ha ahaatee Dhulkan saaka dhismihiisa la joojiyay ayaa waxa uu ka mid yahay dhulal badan oo dan guud ah oo la dhistay intii ay dawlada Kulmiye talada dalka qabatay,waxaana dhinaca Galbeed ka xiga Gurigii u lahaan jiray Xeer illaliyaha Gobolku kaas oo hada qayb ka mid ah laga dhistay geerash gaadiidka lagu sameeyo oo dad shicib ahi ku gancsadaan,sidoo kale wxaa tiro beelay dhulka danta Guud ah ee beryaanba la dhisanayay ee waliba saxaafadu si si dab jooga ah ay usoo bandhigaysay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com