(GNA) Wiil Dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo lagu Magaacabi jiray Maxamed Ibraahim Xasan, ayaa maanta lagu dilay Dalka Switzerland sida ay xaqiijiyeen Booliska Dalka Switzerland iyo Ehelkiisa.
Wiilkan ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo 25 jir ah, waxaana dilay wiil kale oo Soomaali ah, sida uu sheegay Maxamed Good oo ehelo la ahaa Marxuumka la dilay.
Wiilka la dilay iyo kan wax dilay ayaa la sheegay in ay wada deganaayeen guri ku yaala Magaalada Solothuran iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeen sababta ka danbeesay dilka Marxuumkan.
Booliska dalka Switzerland gaar ahaan qeybta Magaalada Solothun ayaa waxa ay wadaan baadhinaano la xidhiidha qaabka uu dalkan udhacay, iyadoo ninkii wax dilayne aan weli gacanta lagu soo dhigin.Dhowaan eyey markii Magaalada Zurich uu Muwaadin Soomaali uu geeriyooday kadib markii uu isku dhigay , tareen.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews-Stuff