Pages

Monday, September 9, 2013

Fadeexadii HUBAAL-gate: ma ku kaajaan nin u aqaan baa? Q/w.Cali Yuusuf -cali gurey


Weerarkii lagu qaaday HUBAAL haya'ddihii sharci fulintu waxad moodaa inay ku mergedeen in ay go'aan ka gaadhi karaan iyada oo la og yahay in arinku aanu u baahnayn ba baadhis adag ee iksimidhkii la hayo hadana ilaa maanta aan wax talaabo ah laga qaadin. Sababtii loo xayiray wargeysku na wax kale may ahayn dembi na ma jirin ee waxay noqon karaysay in looga gol lahaa laba arin oo mid yahay in kiiskii hore la demamaso iyo in sida wargeysyada qaarkood HUBAAL na lala tafaahum oo la mustafeeyo. Waxay se u eg tahay in wasiiradii khubarada ku mustafaynta saxaafaddu ay markan ku fashileen qorshahoodii aakhirkiina ay noqotay waar bal iyaga na inaga sii daaya wargeyska na xayiraadda ha laga qaado, kiiskii na bal inta xal la helayo ha loo dhagooleeyo uun dee maxaa kalee jira.




Hada ba in kastoo aanan xog ogaal ahayn hadana sidii Faarax Nuur ayaan qabbi hadalka lagu laakimo qaar ka saamacay oo halka raadku galay ayaa laga soo maagay oo noqday ku kaajaan nin u aqaan. Maamulka HUBAAL loo in run loo sheego oo la yidhaa ceeb alleh ha asturo xil qariya oo wixii idinku dhacay sidii midho daray duuduub ku liqa mag dhaw na qaata. Hadii ay taasi sidaa ku dhamaato waxay ahayd in lagu daro in xogta odayga la siiyo isagu na uu taabada ku haboon ka qaado si wixii dhacay aanu mar kale u dhicin.




Imika cidda lagu xadgudbay ee dulmani HUBAAL uun maaha oo la weeraray bal se ninka askariga ah ee u kiiska ayaa isna laftiisu dulman inta uu xidhan yahay ee aan maxkamad la hor geyn ama aan toos ba la isaga sii deyn. Waxa kale oo lagu xad gudbay sharcigii dalka iyo xuquuqdii bini aadminimo da labada ba.
Dhinaca kale meeshan la qurxiyay ee madaxtooyada sharkeeda Alleh ha ina mootiyo. Inta mas iyo halaq iyo good iyo jilbis iyo abees iyo abaguri is dhex hadaafaya odayga daayoo inagoo dhan baa halis ku jirna.