Pages

Saturday, September 7, 2013

SOM:Axmed Madoobe oo Maanta Muqdisho soo gaadhay


Muqdisho(GNA)-Waxa Maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho Hogaamiyaha Ururka Raaskanboonii ahna madaxweynaha KMG ee Maamulka Jubba Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe)




Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe ayaa Muqdisho markuu yimi si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana madaarka ku qaabilay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha iyo ka warfaafinta.




mar uu warbaahinta kula hadlay garoonka waxa uu sheegay in imaanshiyihiisa muqdisho la xidhiidha si dhameystirka heshiiskii dhawaan dawlada iyo maamulkiisu ku galeen Addis-ababa.




Sheikh Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dawlada, kuwaasoo ay ka wada hadlayaan sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka jubbooyinka, isla markaana loo qaban lahaa shirweyne lagu meelmarinayo go'aamadii ka soo baxay shirkii Addis-ababa.




Axmed Madoobe oo Maalmo ka hor Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu tagayo Magaalada Muqdisho sidoo kale Madaxweynuhu uu imaanayo Magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan.




Gobanimo News Agency




muqdisho office