Labo qarax oo daqiiqado ay u dhaxeeyeen ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah qaraxa uu ahaa gaari la rumeysan yahay in walxaha qarxa ay ka buuxeen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyada dhacay qadar 10-daqiiqo ka hor, kaasoo xoogooda laga maqlayay qeybo badan oo magaalada ka mid ah.
Qaraxyada ayaa ka dhacay nawaaxiga Guriga Hooyooyinka, goob barxad banaan aheyd oo ka soo horjeeda Ex Fiyoore, halkaasoo la sheegay in gawaari badan ay yaaleen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen labo gaari oo yaalay goobta baabuurka la dhigto ee dhabarka dambe ee Maqaayada, iyadoo wararku yihiin kuwo isa soo taraya.
Wararka ayaa sheegaya in halkaas gawaari yaalay ay ku bur bureen, waxaana goobta barxada aheyd meel aad ugu dhow Maqaaxida The Village ee Guriga Hooyooyinka, halkaasoo bishii September sanadkii 2012 lagu qaaday weeraro ismidaamin ah.
Inta badan dadka doonaya inay maqaayada galaan ayaa la sheegay inay marka hore dhigtaan baabuurta banaanka barxada ka soo horjeeda Ex Fiyoore ee loo yaqaano Iskaashatada.
Uuro iyo qiic ayaa cirka isku shareeray, waxaana la sheegayaa inuu jiro qasaare kala duwan, inkastoo aan wali la ogeyn halka bartilmaameedka ahaa.
Gawaarida Ambalaaska iyo kuwa dab damiska ayaa goobta gaaray, kuwaasoo qaadaya dhaawacyada, isla markaana daminaya gawaari goobta ku gubatay.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Pages
▼