Pages

Saturday, September 7, 2013

SOM:Amaan Darada Muqdisho iyo Qaraxyadii u dambeeyay oo Galaaftay Taliyihii Bilayska Banaadir iyo Hogaankii Guud ee Hawl-gelinta


Muqdisho(GNA)-Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Nabad-sugida ee Gobolka Banaadir S/guuto Garaad Nuur Cabdulle,  kaasoo muddo toban cisho qudha ah xilka hayay, ahaana Taliyaha ciidanka booliska ee Gobolka Banaadir.




Jeneral Garaad ayaa xilka laga qaaday ka dib markii amaanka Magaalada Muqdisho Maalmahan xumaaday, isla markaana weerar ismiidaamin ah oo khasaare badan geystay maanta laga fuliyay Degmada Xamar-weyne, taasoo loo nisbeynayo xil ka qaadista lagu sameeyay.



Hase ahaatee sida ay sheegtay Mareegta All-banaadir, wasiirka ayaa go’aankan qaatay ka dib markii cabashooyin badani ka soo gaadheen, iyadoo lagu eedeynayo inaanu aqoon ciidan iyo maamul toona lahayn.



General Garaad Nuur Cabdulle oo ay qaraabo yihiin agaasimaha guud ee hayaadda nabad sugidda Soomaaliyeed general Bashiir Goobe ayaa xilkan haatan laga qaaday waxaa uu kala wareegay taliyahii hore ee ciidanka booliska gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin.


Geesta kale, Wasiirka  arrimha guduhu wuxuu xilkii ka qaaday Hogaankii Hawl-gelinta Ciidanka Bilayska Somaliya Sareeye Guuto Abukar Cali Axmed (Xaan kaa dheefaa), kaasoo isna bishii Jully ee sanadkan xilka loo magacaabay.



Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdikariim Saacid oo haatan safar dibadda ah ku maqan ayaan la garanayan mowqifka uu ka qaadan doono talaabadan uu qaaday wasiirka arrimaha gudaha ee xilka kaga qaaday saraakiil saaxiibo dhow la ah oo uu isagu hore u magacaabay.



Taliyaha guud ee Ciidanka Bilayska somaliya General Saacid ayaaa isaga laftiisa lagu dhaliilayaa gaabis iyo habacsanaan maamul, haatanse wuxuu safar ku joogaa dalka Turkiga.



Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa Magaalada Muqdisho, waxa ka dhacay Qaraxyo iyo weeraro Khasaare sababay, waxaana arimahaasi loo aanaynayaa sababo la xidhiidha habacsanaan dhanka Hay’adaha Amaanka ku timi.



Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com