Pages

Saturday, September 7, 2013

Qiiqa Badan ee Baabuurta iyo Looxaanta la Shito oo Sababa Xiiq Halisa


(GNA) Dhakhaatiirtan oo ka tirsan jaamacadda Melbourne waxay tilmaameen 80% cudurka ashmada laga qaado dikhawga ay hawada ku sameeyaan baabuurta tirade badan.




Qiiqa xooggan ee ka dhasha baabuurta iyo looxaanta wax lagu karsado amma xilliyada qaboobaha la isku diiriyo ayaa khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka Australia sheegeen in laga qaado cudurka xiiqda, kadib markay muddo dheer cilmi-baadhis ku samaynaayeen caqabada caafimaad darro ee asiiba hab-dhiska neefsiga.




 




Dhakhaatiirtan oo ka tirsan jaamacadda Melbourne waxay tilmaameen 80%  cudurka ashmada laga qaado dikhawga ay hawada ku sameeyaan baabuurta tirade badan.




 




Cilmi-baadhistoodan oo ay ku daabaceen  jariirada REspirology, waxay xuseen inay tahay tii uug horraysay ee lagu qiimeeyo wasakhawga hawada ay ku sameeyaan baabuurta waaweyn iyo qiiqa looxaanta guryaha lagu dhex shido, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay inay dadka waaweyn iyo dhallinyarada xiiq ku keenaan.




 




Caqabadaha neefsiga oo saameeyey 300 milyan oo adduunka ku nool ayaa ah mid ka mid ah cudurrada halista ah ee dunidu ka cabanayso.




 




Dr. John Burgers oo khubaradan ka mid ah ayaa sheegay in dadka qaba ashmadu ay ka fogadaan waddooyinka baabuurtu ku badan yihiin, isla markaana aanay guryaha ku dhex isticmaalin looxaanta qabow la iskaga diiriyo.




 




Daraasadan oo lagu eegay 1383 (kun iyo saddex boqol, saddex iyo siddeetan) qof oo 44 jir u badan oo ku nool magaalada Tasmania, ayaa natiijada ka soo baxay iftiimisay in dadka waddooyinka saxawanka baabuurtu ku badan yahay iyo kuwa guriga ku dhex shita qoryaha ay xiiq qadaan amma halis u yihiin inay ashmadu ku dhacdo.




 




?Cilmi-baadhistayadu waxay iftiimisay xidhiidhka ka dhaxeeya in qofku uu neef ahaan u qaato qiiqa baabuurta iyo looxaanta la shido inay ku keeni karto xiiq halis ah,? ayuu yidhi Dr. Burgers.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com