Pages

Thursday, June 13, 2013

Xulka Kubadda Kolayga Gabiley oo Caawa Dirida Cunsiiyay Saaxil iyo Tima-cadde oo Taageerayaal la ciir-ciiray


Hargeysa(GNA)-Xulka  Kubadda Kolayga ee Gobolka Gabiley ayaa Caawa ciida cunsiisay dhigooda Gobolka saaxil, Ciyaar aad u xamaasad badnayd oo ku dhex martay Garoonka Timacadde oo ay ka socdaan Tartanka Ciyaaraha Basket-ka Somaliland.




Ciyaartan oo ay Caawa ka soo qayb-galeen Boqolaal Taageerayaasha labada Kooxood ah iyo Maamulka Goboladda Gabiley iyo Saaxil, isla markaana buuq iyo sawaxan xoogan oo ay taageerayaashu samaynayeen laga maqlayay Daafaha Magaalada ayaa Guushu ku raacday Xulka Gobolka Gabiley 66 Dhibcood oo ay keensadeen, halka  Saaxil ka keensaday 43 dhibcood oo qudha.




Labada Kooxood ayaa intii ay Ciyaartu socotay soo bandhigay Ciyaar wanaag iyo dedaal mid waliba ku doonayay inuu guusha ku hanto, taasoo soo jiidatay Daawadaayasha Ciyaarta.




Gobolka Saaxil ayaa ciyaar dambe u hadhsantahay oo uu la yeelan doonaa Gobolka Maroodi-jeex, halka Gobolka Gabiley ee Caawa badiyay ku hagaagayo Hawd.




Labada xul ee Gobolka gabiley u ciyaaraya Kubadaha Cagta iyo Kolayga ayaad moodaa inay sanadkan Wacdo ugub ah ka muujiyaan tartanka Ciyaaraha goboladda, waxaanay u muuqdaan rag dar-daaran adag qaba oo inay labada koob mid uun geeyaan gobolkooda lagu soo balamay.




Gobanimonews




Hargeysa Office