Hargeysa(GNA)-Maareeyaha Tvga Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ayaa la sheegay inuu Shaqada ka joojiyay Wariye Abiib Iiman Xasan oo ka mid ah Warfidiyeenada Rugcadaaga ah ee Wasaaradda Warfaafinta.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay xafiiska Maareeyaha, balse Qoraal sida la sheegayo ka soo baxay Xafiiskiisa ayuu ku cadeeyay shaqo ka eriga Wariyahaasi, isagoo ku eedeeyay hawl-gudasho la’aan iyo amar diido, kuna gacan saydhay Xil la sheegay in waaxyaha telefishana looga magacaabay.
Maareeye Gaas ayaa wararku intaasi ku darayaan inuu Wariyehan uu shaqada ka eryay ugu marmarsooday Barmaamuj ka baaqday oo uu soo saari jiray, isagoo sida laga soo xigtay Wariye Abiib arintaasi ku muujiyay Sababta shaqada loo Eryay.
Noomau Suurto gelin inaanu helno Maareeye Khadar Cali Gaas oo si aanu arintan wax uga waydiino ka wacnay Telefoonkiisa gacanta, ka dib markii ka jawaabi waayay Telefoonka, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa Gobanimonews u sheegay in shaqo ka joojintan Suxufigan Maanta Hawl-wadeenada Wasaaraddu ku war heleen, wallow aan wali Madaxda kale ee Wasaaraddu go’aan ka qaadan.
Dhinaca kale, Wariye Abiib Iimaan Xasan oo sida ay sheegtay Mareegta Rasmi shaqada laga eryay ka hadlay ayaa xaqiijiyay inuu helay Warqada shaqada lagaga joojiyay iyo sababta loo cuskaday, balse faahfaahin dheeraad ah kamuu bixin arintan” aniga inanta aamina la yidhaah ee halka Agaasimaha joogta ayaa ila soo hadashay waxay igu tidhi Warqad ayaan kuu hayaa ,waan u imid lakin markii aan waraqada furay ayaa waxa ku qoran , Barnaamij ayaa kaa baaqday iyo markii aad diiday xilkii aan kuu magacaabay waxad noqotay Santaag oo isla wayn markaa sidaa la ajligeed waxan kaa ereyay shaqdii aad ka haysay TVga Qaranka somaliland ” ayuu yidhi Abiin Iiman Xasan.
Abiib Iimaan Xasan ayaa ka mid ahaa wariyayaasha Mudada dheer ka soo shaqaynayay Wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta, gaar ahaan Ideecada Radio Hargeysa oo inta la xasuusto dhawr iyo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay uu ka mid ahaa Wariyayaasha soo saara Barmaamujyada muhiimka ah, gaar ahaan Barmaamujka Fanka iyo Suugaanta, Hambalyada iyo Salaamaha iyo barmaamujyo kale oo xiiso badan.
Telefishanka Qaranka ayuu ahaa sidoo kale Suxufiyiintii lagu Bilaabay sanadkii 2005 markii uu Hawada soo galay, iyadoo mar ka mid noqday Saraakiisha ugu saraysa, dhinaca kale ka mid ahaa Barmaamuj soo saarayaasha ugu waaweyn ee Telefishanka, gaar ahaana barmaamujyada dhinaca Dhaqanka iyo suugaanta oo uu aad ugu xeel-dheeryahay,
Inkasta oo Telefishanka qaranka la sheegay in laga eryay, hadana wariyahan, ayaa ka tirsan Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta qaybta Ideecada taasoo suurto gelinaysa inuu shaqadiisa ka sii wato Ideecada Dawlada oo iyada lafteeda War Laliskeeda la balaadhiyay, una baahan Wariyayaal Waayo arag ah.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Wariye Rug-cadaadi ah oo laga Eryay Tv-ga Qaranka, Xili Maareeye Gaas Tayayn u balan-qaaday Daawadayaasha