Garsoore Isbaanish ayaa go’aamiyay in Lionel Messi iyo aabihiisa Jorge Messi inay tahay inay maxkamad kaga jawaabaan kiiska loo heysto ee khiyaamada canshuur bisha September ee sannadkan.
Labada nin ayaa isbuucii hore waxaa dacwad iyaga ka dhan ah ka xareeyay qareenka dowlada, iyadoo loo heysto inay dowlada Spain ka khiyaameen canshuur 4 milyan euro ah.
Messi iyo aabihiis ayaa beeniyay eedeymaha loo heysto oo ah in lacagtii canshuurta ee ay ka bixin lahaayeen daqliga Messi uga soo xarooda xayaysiinta uu sameeyo ay u wareejisteen wadamo ay canshuurtooda aad u yar tahay si ay uga fogaadaan canshuurta qaaliga ee Spain intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009, iyadoo waaxda canshuuraadka ay ku doodeyso inay 4 milyan euro oo dowlada Spain ay canshuur ahaan u qaadan lahayd la khiyaamay.
Maanta ayaa garsooraha uu fiiriyay eedeymaha loo heysto, waxaana labada nin ee Messi iyo aabihiis loo sheegay inay tahay inay maxkamad kaga jawaab celiyaan kiiskaan.
Waxaana maxkamada qaadeysa ay dhageysan doontaa maalinta talaadada 17ka bisha September.