Pages

Thursday, June 20, 2013

Andre Villas-Boas Oo U Sheegay Real Madrid: Gareth Bale Kama Tagayo Tottenham Xagaagan.


Gareth Bale kama tagayo xagaagan Tottenham, sidaasi waxaa yiri tababare Andre Villas-Boas.




Real Madrid ayaa si cad u soo bandhigtay xiisaha ay u qabto ciyaaryahankaan reer Wales, iyadoo agaasimahooda isboortiga Zinedine Zidane uu si joogta ah uga hadlayay mudooyinkii u danbeysay.




Kooxda La Liga ka dhisan ayaana si dad badan u sheegtay inay bixin karaan ilaa 85 milyan ginni oo u dhiganta 100 milyan euro oo ay ku soo xerogeliyaan Bale.




Laakiin AVB ayaa sheegay inay ceshan doonaan hantidoo ugu qaalisan ka dib markii gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy uu u balanqaaday in Gareth Bale aan la iibin doonin.




Villas-Boas ayaa yiri sida ay qortay The Sun: “Waxaan heysanaa balanqaadka gudoomiyaha oo ah inuusan Bale ka tagi doonin kooxda.”




 




 




Tababaraha Spurs shaqsi ahaantiisa ayaa isbuucaan iska diiday inuu ka tago White Hart Lane ka dib dalab uu ka helay PSG.