Pages

Thursday, June 20, 2013

Xasan Ciise: Xukuumadda iyo Xaqsoor waxay ku Heshiiyeen lama Sheegin, waxaana ka dhashay Su’aalo ka badan intay ka jawaabeen.


Hargeysa (GNA) Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaq-soor oo dhawaan Heshiiska la galay Xukuumadda Somaliland,  ayaa sheegay in heshiiska la shaaciyay aan tafaasiil laga bixin.




Qoraal uu Caawa soo saaray oo nuqul ka mid ah Gobanimonews helay, ayuu ku sheegay in loo baahanyahay in dhamaystiro nuxurka qodobada labada dhinac ku heshiiyeen, ka dibna bulshada loo bandhigo Heshiiskaasi iyo wuxuu xambaarsanyahay.




Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku cadeeyay in dhinacooda  ay diyaar u yihiin inay heshiiskan dhamaystiraan, hadii laga helo dhinaca xukuumadda.




Xasan Ciise wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay sidan:




“Wadahadaladii ka dhaxeeyay ururka xaqsoor iyo xukuumada Somaliland qaybtiisii hore waxay ku dhamaatay afar qodob oo guud oo ay isku raaceen gudigii laba geesoodka ahaa.




Gudigaasi mudo sadex bilood ah ayuu muujiyey dadaal badan waanay ku  mahadsan yihiin.




Waxa markaas hadhsan in qaybta labaad ee wadahadalada loogu talo galo in tafaasiishii loo galo.




Marka marxaladaas labaad la gabgabeeyo ayaa dadka loo sheegi karaa tafaasiisha qodobada lagu heshiiyo. Imika waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey waxa uu yahay.




Sababta oo ah waxa aan la gaadhin oon imika la ahayn tafaasiishii qodobada ay tahay in lagu heshiiyey. Arintani waxay dhalisay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay.




Waxa aan xasuusinayaa taageerayaasha xaqsoor iyo shicibka Somaliland in Xaqsoor aan cidina uga lexojeclo badnayn wanaaga dalka Somaliland iyo midnimada dadweynaha reer Somaliland.




 Xaqsoor si daacad ah ayuu u galay wadahaladan,waxaanu diyaar u yahay inuu ku dhamaystiro si cadaalad ah oo xaqsooraysan ooy ku jirto danta iyo wanaaga wadankeenan qaaliga ah ee Somaliland. Waa hadii laga helo dhinaca kale ee xukuumada maanta xilka iyo amaanadu saaran tahay”ayuu ku soo gabagabeeyay.




Hadalkan Xasan ciise ayaa ka dambeeyay ka dib, kulan laba habeen ka hor Madaxtooyada ku dhex maray laba Guddi oo u kala metelayay wadahadalada ay ku wada jireen Xukuumadda iyo Ururkaasi oo  xurguf ka dhalatay Doorashadii deegaanka ka dhex taagnayd.




Kulankaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay wadahadalo mudo soo socday oo Heshiis kama dambeysa ah laga gaadhay, ayaa markii  uu dhamaaday xubno u hadlay labada geesood ku dhawaaqeen in Heshiis dhex maray Xukuumadda iyo Ururkii Xaqsoor, laguna heshiiyay qodobo dhaxal gal ah oo laysku waafaqsanyahay, kuwaasoo ay labada dhanba ku qanceen.




Waxaan ka ahayn in la heshiiyay Warbaahinta umay sheegin Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis maxamed Samaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ururkii Xaqsoor Cali-sandule oo Madaxtooyada dhexdeeda Warbaahin ta kula, waxaanay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahin ka badan inay guul ku dhamaadeen kulamadii mudada u soo socda.




Dhawaaqa guddidani sida uu Xasan Ciise sheegay waxa ka dhashay dood badan oo ku saabsan waxa laga heshiiyay iyo goorta la dhaqan gelinayo.




Si kastaba ha ahaatee hadalka Xasan Ciise ayaa ka turjumaya inaanay jirin haba yaraatee Heshiis rasmiya oo ay labada dhinac qalinka ku duugeen oo lagu dhayo Khilaafkii ka dhashay Doorashooyinkii dalka ka dhacay Dabayaaqadii Sanadkii hore.




 taasoo Taageerayaasha Xaqsoor iyo hogaankoodu saluug ay ka muujiyeen natiijadii ka soo baxday iyo Dil loo geystay Dhalinyaro ka mid ahaa Taageerayaasha Ururkaasi oo ka mudaharaaday natiijada  Doorashada wali tirsanayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office