|
Waxaa hada Weerar Ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta UNDP oo ku yaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale gudaha Xarunta hada ay kasocoto Rasaas culus oo u dhaxeysa ilaalada Xaruntaasi iyo Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.
Wariyayaal kusugan Irida Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa soo sheegaya in Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay iridka laga galo xaruntaa xiligaa kadibna ay gudaha u galeen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo aad u hubeesan.
Sidoo kale waxaa Daqiiqad kahor Qadka Telfoonka kula xariirnay mid kamid ah Shaqaalaha UNDP oo kusugan gudaha Xaruntaasi oo awoodi waayay in uu si fiican noola hadlo sabab la xariira rasaas culus oo wali kasocota Gudaha Xarunta UNDP .
Rasaasta ka dhaceysa gudaha Xarunta Hay'ada UNDP ee Magaalada Muaqdisho ayaa ah mid si weyn looga maqlayo qeybo kamid ah Maaalada Muqdisho , waxaana gabi ahaan xiran laamiga isku Xiro Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo badan oo gurmad ah kana tirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaa u gurmaday Xaruntaasi kuwaa oo hudaha u galay xarunta kana qeyb qaadanaya Dagaalka , Raga Shabaab katirsan ee gudaha ku jira ayaa sidoo kale la aaminsan yahay in waxyaabaha qarxa ee ku xiran yihiin lagana cabsi qabo in ay ku dhax qarxaan xarunta UNDP.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha iyo Sawiro noo gaar ah Deg Deg ula Soco Shabakada Allbaaadir.com Insha Allah
Gobanimo News Agency
Muqdisho Office
Editor@gobanimonews.com