Pages

Wednesday, June 19, 2013

Nicholas Kay: waanu sii wadaynaa Taageerada shacbiga Somaliyeed, waanan Cambaareynayaa Weerarkii Saaka


Muqdisho(GNA)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaalkii Maanta ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.




Ilaa 10 Ruux  oo isugu jira shaqaalaha Xafiiska UN-ka shaqaynayay ayaa la rumaysanyahay inay ku dhinteen Weerarkaasi, halka dhinaca kale ilaa shan Nin oo ka mid ah Ragii Weerarka soo qaaday ay sidoo kale dhinteen.




Ugu yaraan 13 Ruux  oo dhaawac ayaa sidoo kale la sheegay in la geeyay xarumaha Caafimaadka, kuwaasoo dhaawac culus iyo mid sahlanba isugu jira.




Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdikariin Maxamuud Guuleed (Fiqi) oo warbaahinta ka hadlay, ayaa sheegay in Ciidamada dawladu la wareegeen amaanka xarunta saaka la weeraray, isla markaana lagu guulaystay in  la laayo Kooxdii Weerarka soo qaaday.




Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Nicholas Kay, ayaa qoraal kooban oo suu saaray ku Cambaareeyay weerarka saaka lagu qaaday xaruntooda Muqdisho, waxaanu si kor ka xaadis ah u sharaxay xadiga ka dhashay iyo dareenka  ay Hay’ad ahaan kala kulmayaan weerarkan.




Wuxuu cadeeyay inay ka xunyihiin dhibaatada ka soo gaadhay shaqaalahooda weerarkaasi, isagoo tilmaamay inaanay ujeedo ahaan waxba la bedelin arintani yoolkoodii ahaa inay gargaar u fidiyaan shacbiga somaliyeed ee dhibaataysan.




Nicholas Kay, ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii ay ka baxeen Shaqaalaha Rayid ah iyo askarta Qaraxyada iyo weerarka is-daba socday ka dhashay, waxaanu muujiyay inuu dareensanyahay in Khasaarahaasi culays badan ku soo kordhiyay qoysaskii ay ka baxeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office