Pages

Tuesday, June 11, 2013

Talo: ku socota Wasaaradda Wax-barashada Somaliland


Anigoo ah muwaadin Somalilander ah isla markaana ah macalin katirsan wasaarada waxbarashada Soomaaliland macalinimadana ku soo shaqaynayay muddo dhan 28 sannadood ilaa haddana shaqadaas haya kuna qanacsan ayaan rabaa inaan halkan talo  ugu soo jeediyo madaxda sharafta leh  ee ay ugu horayso wasiirada wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare




ZAM-ZAM CABDI AADAN iyo madaxda kale ee xilalka kala duwan ka haysa wasaarada waxbarashada iyo cid kastoo waxbarashada danaysaba




Taladaas oo aan u arko inay mac-quul tahay isla markaana maadaama uu hogaanka wadanka hayo xisbi u dhega nugul isbedelka waxtarka uleh dalka iyo dadkaba ayaan jeclaystay inaan soo bandhigo talada xilligan .




waana sidatan soo jeedin taydii





  1. Xuquuqda Macalinka




a )  waa inuu helaa macalinku mushahar ku filan oo uu ku noolaan karo isaga iyo xaaskiisu  waayo marka laqaybiyo mushaharka ay qaataan macalimiinta badankoodu oo ah $90  maalintii waa $3 saddex doollar taas oo isaga iyo xaaskiisu sadexdii waqti uqabanaysa  $ 1 hal doolar oo hadduu reerka usoo siiyo  roodhi aanay uga soo hadhayn iidaankii  uu ku qoyn lahaa wax raashina oo kabisina aanu jirin hawl aduun oo dhamina u hadhay .




b ) waa inuu yeeshaa xuquuq  lamida kuwa ay helaa shaqaalaha kale ee udhigma ee ushaqeeya wasaaradaha kale siiba hadduu dhinto , xanuunsado  ama waasho oo ay qaataan mushaharkiisa ciddii uu ka dhintay ama ka hawlgabay .




c)  waa in kor loo qaadaa aqoontiisa oo uu helaa tabobarro joogto ah.




d)waa in loo sameeyaa kaadh aqoonsi oo kala ah card A card B.




2- Xuquuqda Ardayga




a)  Sida aynu lawada  socono ardayda dhigata dugsiyadeena ee public Schools ah gaar ahaan Hoose/ Dhexe  waa isku (uniform)  isku dirays oo lama kala yaqaan ardayga Class four ah iyo ka Class Eight ah .




haddaba waa in loo kala duwaa oo loo kala soocaa dirayska taas oo  xataa ardayga xiiso gelin ku ah. oo uu siddeedaa sano ka nastaa in kamida dirayskan la moodo xabbada royalka ah.  .




b)  Inanta waxaa usii dheer dhib ugaara xagga dirayska taas oo ah inay laba iyo tobanka sanoba sidato isku dallad keliya oo weliba madaw ah taas oo ku riday hablo badan madax xanuun kadhashay soo jiidashada falaadhaha qoraxda. iyo nafsad jab markay aragtay inantii dhigeeda ahayd ee dhiganaysay private school ka  oo  kala sidata saddexda heer diraysyo  kala duwan.




c)waa in loo diyaariyaa ardayda kabaxaysa dugsiga dhexe Secondary ka duwan kuwan. oo kala ah kuwo ay ku bartaan aqoonta beeraha , xanaanada xoola ,kaluumaysiga ,farsamada gacanta ,caafimaadka iwm iyadoo loo eegayo derajada uu ku gudbay ardaygu taas oo usahlaya shaqo helista iyo




(focal point university).




d) sidoo kale waxaa dib uga dhaca natiijadii imtixaanka Centralized ka ahaa ee Class Eight iyo form four ka. dib udhacaas oo keenaya inay waxbarashadiisii wax ka go,aan iyo gelidii jaamacada oo shaki muujisa.




 




 




3) Xagga manhajka




 a) waa inuu ardaygu helaa  manhaj tayaysan oo kooban siiba taariikhda oo uu ku bartaa taariikhdii aysoo martay soomaaliland laga soo bilaabo xilligii gumaysiga ingiriiska iyo taariikhdii islaamka.




Xagga juquraafigana waa inuu ka helaa aqoonta degaanka dalkiisa iyo gobol kasta oo Somaliland katirsan waxa uu ku xidhan yahay wax soo saarkiisu oo dhamaystiran iyo dawladaha ku xeeran.




B) waxaan kaloo ku talin lahaa in xilliga sannad dugsiyeedka waxbarashada laga dhigo mid uhabaysan saddex teeram oo kala ah




























Xilli waxbarasho




 




Xilli fasaxa




January,feb,march.




 




April




May, June, July.




 




August




Sep ,October ,nov




 




December





 




Taas micneheedu waa sagaalkii bilood ee waxbarashada aynu awelba qaadan jirnay sannadkii iyo sadexdii bilood ee fasaxa ahaa oo aan sidaa u dhigay . si ardayga iyo macalinku 90 casho mashquul u ahaadaan bilna fasax noqdaan    si aan waxbarashada loogu daalin loona xiiseeyo. Nidaamkaas oo ay ku dhaqmaan waddamo badani .




c) waxaa jira dugsi dawli ah oo ku yaala magaalada burco waana




(مـــــدرســـــــة جـــمــــال عــبـــد الــنـــاصــــر)




Waana dugsi hoose/dhexe/sare




 oo ku baxa manhaj af carabiya oo ay dhigaan macalimiin masaariyi sannad walbana dhibaato kala kulanto ardaydu imtixaanka Centralized ka ah ee ay lagalaan ardayda wadanaka siiba maadooyinka Cilmiga bulshada , Xisaabta iyo Sayniska . iyakoo sannadada hore ku soo qaata manhaj sucuudi ah sannadka eight ka iyo form four kana si ilka cabira loogu turjumo kii Somaliland imtixaankiina marka uu horyimaado ardayga uu fahmi waayo (terminology) ahaan eraybixinta meelaha qaar.




markaa waa in loo sameeyaa saddexdaas maado oo ah manhajka soomaliland oo caribi ku tarjuman




waxaa kaloo jira dugsiyo privates ah oo imtixaanka la gala dawlada balse sadexdaas maado ku dhigta English iyana ay hayso baahi taa lamidi




 d)waxaa kaloo jirta in maadada tarbiyada lagu saxo 50% dugsi hoose ilaa dugsi sare halka ay is bedeleen maadooyinka English iyo saynisku marka la gaadho dugsi sare derejo ahaan taasina waa dulmi laga galay maadadii qudha ee aynu diinteena muqadaska ah ka baranaynay .




  ( xaqii uu ilmahaagu hooyo aabo lahaa adna aanad ogayn isna uu tabanaayo saw ayaandaro maaha ??)




e)sidoo kale waxaan ku talin lahaa in wasaaradu samayso koox utaagan wacyi gelinta ardayda oo wareegta kooxdaas oo ku wacyigelinaysa ardayda iyo macalimiintaba ku dhaqanka shareecada islaamka  ,ilaalinta nabadgelyada,iska ilaalinta      mukhaadaraadka iyo dhaqamada xunxun,kahortaga cudurada faafa , kaqayb qaadashada horumarka wadanka, iyo wadaniyada.




Waxaan ku soo gebogebaynayaa maqaalkaygan waa la diidi karaa waana laqaadankaraa balse hala ila eego fekerkaas.




Allaa mahad iska leh




Xasan    Ibraahin  Jaamac




 Burao – Somaliland




Tell :                      4439365 or  9306789  shafar67@hotmail.com




Astaanta  Gobolka  Togdheer