Muqdisho, June, 12, 2013, (Gobanimonews- Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kana mid ah Siyaasiyiinta aaminsan Somaliweyn oo xilal kala duwanna ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somalia soo maray, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay imaatinka uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar yimid Somaliland oo ay markii hore isku fikir ahaayeen oo ay wada aaminsanaayeen Mabda’a Somaliweyn, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo in Axmed Ismaaciil Samatar uu yimaado Somaliland.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xalay khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo isaga oo jooga Magaalada Muqdisho, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay inuu isaguna iman doono Somaliland iyo in kale, isaga oo sheegay inaanuu Somaliland wax dhib ah u ogolayn oo uu ka dagaalami doono wax kasta oo Somaliland dhib ku ah.
Siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Inuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar tago Somaliland wax dhib ah oo aan u arkaa ma jirto oo waxa weeyaan wax haboon, waana nin Somaliland ka soo jeeda, laakiin midda keliya ee dhibta keenaysaa wax weeyaan kala go’a Somaliweyn, waana nin aanu isku fikir nahay oo siga uun ma ahee macal anaga ayaa tegayna, laakiin Prof Axmed Ismaaciil Samatar waanu ka midaysannahay fikirka Somaliweyn, inuu Somaliland tagana aad ayaanu ugu boorinaynaa, waxaananu ka midaysannahay inay tantu ku jirto inaanay umaddani ahayn mid kala maarmi karta oo isaku xidhan, mana aha Axmed Ismaaciil Samatar nin leh dadka halla kala qayb qaybiyo, dadka Maamulka ahaina waxa weeyaan dad u arka inay kelidood Somaliland yihiin, anaguna waxaanu u aragnaa inay dadka Go’doominayaan, waxaanuu fahmi doonaa waxyaalo badan, laakiin waxaan qabaa inay tagistiisa Somaliland ay tano badani ugu jirto Somaliland iyo Somalida kaleba, Fikirkiisii ahaa inay Somalia mid noqotana isma bedelin, dhibaatada Koonfur taallana waxa weeyaan Sadbursi oo ah ta keentay inay Somaliland tidhaahdo waanu go’aynaa, hadana waa kala laba arrintaas iyo dheeli tirnaashuhu”
Ismaaciil Buubaa oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa sababay inuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar tago Somaliland waxa weeyaan waa waddankiisii oo uu muddo dheerna ka maqnaa oo uu arkayna dhibaatada taalla Koonfur oo uu yimid, markaa lagama maarmaan ayey ahayd inuu tago, haddii aan la xoojin midnimadana waxa dhicin karta in dawladaha jaarku ay dalka kala qayb sadaan”
Ismaaciil Buubaa oo ka jawaabayey Su’aal ahayd inuu isaguna iman doono Somaliland iyo in kale waxa uu yidhi “Anigu (Ismaaciil buubaa) haa waan iman doonaa Somaliland, waayo waxaan ka mid ahaa markii hore SNM oo waxaan ka mid ahaa raggii ka dagaalamay dhibtii, markaa imikana Somaliland uma ogoli wax dhib ahi inay Soo gaadho”
Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlayey xaaladda ka abuurantay biyaha Niilka iyo saamaynta ay Somaliland iyo Somalia ku yeelan karto waxa uu yidhi “Arrinta Biyaha Webiga Niilka ee xaaladda ka abuuray Itoobiya Masar saamayn ayey ku yeelan kartaa Geeska Afrikaba, markaa waa in Xidhiidh wanaagsan lala sameeyaa Itoobiya si looga hor tago dhibta ka iman karta Biyaha Niilka, waayo Somalia iyo Somalilandba way saamaynaysaa dhibtaasi haddii aan marka hore cilaaqaad fiican lala samaynin Itoobiya iyo Masarba”
Xigasho Wargeyska SAXANSAXO
Wariye Hudle shabachudle@gmail.com
Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Head Office/Somaliland