Pages

Wednesday, June 12, 2013

Somaliya oo Xayirtay Deeqihii Waxbarasho ee Sudan siin Somaliland, Xili Xukuumaddu kala hadlayso Gooni-isutaaga


Hargeysa(GNA)-Dawlada Suudaan ayaa joojisay Deeqihii Waxbarasho ee ay Somaliland sida tooska ah u siin jirtay, kuna xidhay inay ardaydu soo qaataan Dal ku galka iyo Shahaadada somaliya.




Go’aanka ay Khartuum ku mamnuucday Aqoonsiga Shahaada iyo Baasaaboorka Somaliland, ayaa ka dambeeyay  heshiis ay wada galeen Dawlada Federaalka ah ee somaliya, taasoo Sudan ka codsatay inaanay bixin deeqo warbarasho oo aanay Ogolaan, aqoonsana dhikumanti aan la ahayn ka Dawlada federaalka ah.




Talaabadan, ayaa Wasaaradda waxbarashada ee Somaliland gayeysiisay inaanay sanadkan wax arday ah oo deeq Waxbarasho helay u dirin wadanka Sudan oo ay sanad kasta arday badan oo Somaliland ka tagtay Waxbarasho jaamacadeed ku soo qaadan jireen.




Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Sam-sam Cabdi Aadan ayaa dhawaan Golaha Wakiiladda u sheegtay in Sudaan joojisay aqoonsiga Baasaaboorka iyo Shahaadada Somaliland, markii ay la xidhiidheen wasaarad ahaana loo sheegay in arintani qayb ka tahay Heshiis dhex maray Somaliya iyo Sudan oo lagu gaadhay inaanay bixin deeq waxbarasho oo aanay Ogolaan Dawlada Federaalku.




 “Dawlada sudan sanadkan wax arday  ah oo deeq waxbarasho ah umaanu dirin, sababtuna waxa weeye  waxay nagu xidheen oo ay yidhaahdeen soo mara qolada Somaliya, aniguna taa waanu ka diidnay, markii dambena cid umaanu dirin oo Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ayaa  soo gelaya, laakiinse arintaasi waxay baahantahay in laga wada hawl-galo oo Caqabadaha Dawlada somalida laga hortago”ayay u sheegtay Golaha Baarlamanka Marwo Sam-sam.




Geesta kale, Agaasimaha guud ee Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay Diidmada Dawlada sudan kala hortimi Deeqihii waxbarasho ee ay siin jirtay Somaliland, waxaanu tilmaamay inay ku xidheen Shahaadada waxbarasho iyo dal ku galka Somaliya  “sudan waxay ku xidhay Deeqihii waxbarasho ee ay siin jirtay Baasaaboorka iyo Shahaada Somaliya ayay yidhaahdeen soo qaata, dabadeed annnaguna waanu diidnay”ayu yidh.




Isagoo intaasi ku daray “markaa weftibaanu dhawaan u diraynaa oo waanu u tegaynaa”.




Sanad kasta ilaa konton Arday ayaa lagu qiyaasay inay Waxbarasho bilaa lacag ah ka heli jireen sudan,waxaana taasi bar-bar socday tiro kale oo iyagu Lacagtooda ku doonan jiray Waxbarasho oo laakiinse lagu Ixtiraami jiray Macluumaadka iyo aqoonsiga ay wataan.




Dadka Faaqida arrimaha Diblomaasiyada iyo deeqaha Caalamiga ah ayaa sheegaya inay arintani mar walba suurto gal noqonaysay, maadaama dawlad rasmi ahi ka dhalatay Somaliya,waxaase dad doodan qabaa intaasi ku ladhayaan inaanay talaabada sudan qaaday wax saamayn ah ku yeelanayn Wadiiqooyinka ay ardayda Somaliland ku helayaan qaadhaan waxbarasho oo la mid ah kan Khartuumo joojisay.




“anigu ma qabo inay wax saamayn ah ku keenayso tayada iyo horumarinta aqoonta Ardayda reer Somaliland, waayo marka hore tayo fiican may lahayn Sudan oo waa laga tayo wanaagsanyahay dhinaca Waxbarashada”sidaasi waxa yidhi Maxamed Daahir oo ah aqoonyahan ku takhasusay Cilmiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga caalamiga ah oo la hadlay Gobanimo.




Si kastaba ha ahaatee Dawlada Suudaan ayaa ka mid ahayd ilaa tobaneeyo dawladood oo ay Kumanaan arday Somaliland u dhashay ka heli jireen Jaamacado dibadeed oo ka tayo wanaagsan kuwa gudaha wadanka, kuwaasoo ay siyaabo kala duwan, balse isku duruufka ah dhinaca Sharciga ku tegi jireen Ardaydu.




Geesta kale, go’aanka dawlada Sudan oo ah mid aan ka madhnayn gaabis dhinaca diblomaasiyada ah oo ka dhexeeya labada dawladood, ayaa lagu tilmaamayaa inuu qayb ka yahay dhaliilo badan oo Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland looga soo jeediyo adkeynta xidhiidhkii wadanku la lahaa dalalka danahan oo kale ka dhexeeyeen oo aad loo daayacay.




Waxaana dooda caynkan ah sii tahgiidinaya soo qaadis la’aan Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, iyadoo aanu Wasiirka wasaaradaasi mudo dheer wax booqasho siyaasadeed ah ku tegin Wadanka sudan, una weeciyay Manjarihii dhinaca diblomaasiyada ee dalka wadahadalada Somaliland iyo somaliya oo dalal badan oo Caalamka ka mid ahi u haystaan in Aakhirka Midnimo laysugu soo noqonayo aanu go’itanka Somaliland aragti sii fog ahayn.




Gobanimonews




Hargeysa Office