(GNA) Edward Snowden oo ah ninkan sirtan bixiyey ayaa horey uga shaqeyn jiray xarunta Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa wareysi uu siiyey jariirada The Guardian ku sheegay in uu qaatay go’aanka inuu sirtan bixiyo kadib markii uu ka dhiidhiyey sida fudud oo ay dowlada u dhageysan karto telefonada qof walba oo ay doonto.
Edward Snowden ayaa la sheegay inuu hada ku sugan yahay hotel ku yaal magaalada Hong Kong, isagoo sheegay inuu weli ka cabsi qabo inay xiraan ciidamada dowlada China ama sirdoonka Maraykanka oo weli baadi goobaya sida uu sheegay.
irta uu bixiyey ninkan ayaa ahayd tii ugu baaxada weyneyd oo laga fakiyo sirdoonka Maraykanka sida uu sheegay Madaxa hay’ada Nabadsugida Qaranka ee NSA, Mr.James Clapper.
Xogta uu bixiyey Edward Snowden ayaa shaacisay baaxada ay leedahay baaritaanka ay sameeyaan sirdoonka Maraykanka oo la xaqiijiyey inay si joogto ah u baaraan adeegsiga Internetka iyo Telefonada oo xogtooda la duubo.
Dowlada Maraykanka ayaa horey u sheegtay in tilaabadan ay amnigeeda ku sugeyso, waxayna sheegeen in Maxkamada Federaalka Maraykanka ay tahay mida kaliya ee amarka bixin karta in la baaro qofkii laga shakiyo.