Dalka Somaliland oo ka mid ah dalalka madaqada Geeska Afrika ayaa Madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan Jiray Jamhuuriyada dimquraadiga ee Soomaaliya 1991-kii, ka dib markii ay isku bireen Bisha Julay 1/1960-kii ayaa haddana waxa taagan ilaa maanta in Shacabka Reer Somaliland oo in badan u halgamaayey Xoriyadood Madax-bannaanida oo geed dheer iyo geed gaaban-ba u fuulay ay wali ku guulaysan inay Beesha Caalamka ka helaan Ictiraaf buuxa ama aqoonsi.
Shacabka Reer Somaliland oo halgan badan iyo juhdi galiyey la soo noqoshadooda Xoriyadooda ayaa dhidibada u taagay Jamhuuriyada Somaliland oo Magaaladda Burco lagaga dhawaaqay 18 May 1991-kii oo Astaanta calankeeda ka kooban saddexda midab ee ay ku xardhan tahay magaca Illahay ayaa laga qotomiyey Magaalo Madaxda labaad ee Burco, iyadoo Magaalo Madaxda Dalkana laga dhigay Magaaladda Hargeysa oo wakhti xaadirkana ah Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Dalka laga maamulo intiisa kale.
Qaybaha Bulshada kala duwan ee Somaliland ayaa ah Shacab iskii Maamul Dawladnimo iyo kala dabayn samaystay, iyagoo markiiba ukumay Odayaasha guurtida oo qayb laxaadleh ka qaatay inay cagaha ku tagaan Dawlada maanta ay ku laloonayaan shacab waynaha Reer Somaliland. Inkastoo waxgaradkooda iyo aqoon yahankoodu hor-muud ka ahaa sidii loo helilahaa sidii loo abuuri lahaa in la soo celiyo aas-aaskii noloshii Bulshada ee baaba’aday oo xilligaas aan jirin sababna ay u hayd barakicii ay keneen Dagaalkii khasaaraha ka dhashay oo ahayn mid halkan lagu soo koobikaro, taas oo keentay inay bulshada Somaliland ka dhaxasho dhibaato aan muddo dheer ka hadhayn dhiiftiisa iyo silicii darxumada lahaa ee lag noolaa wakhtigaas ee lagala kulmay Xukuumaddi Militariga ku dhisnayd ee Siyaad Barre. Hase yeshee markii shacabkii Reer Somaliland oo wakhitaas isku duubnaa oo hadaf kaliya ama danta kaliya u wada halgamaayey ee u soo wada dagaalamaayey Madax-bannaanidoodii ay hoga madow ku rideen maalintii kowda Julay ee 1960-kii, waxa markale siwayn uga dhex-curtay dhex-dooda haddaynu soo qaadano Dagaalkii aynu is odhan lahayn wuu ugu khasaare badnaa kii ka dhex-holcay Shacabka wallaalaha ah ayaa ahaa 1994-kii.
Waxa Dagaalkaas Sabab u ahaa qabyaalad sida kubada lagu soo dhex-tuuray Ummaddii Reer Somaliland ee Ul iyo diirkeed ahayd meesha kaliyaana u wada jeeday, taas oo markii Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan (Tuur), iyo Madaxweyne ku-xigeenkii oo uu ahaa Muj. Xasan Ciise Jaamac Xilkii laga wareejiyey, halka 1994-kii Madaxweyne Magaladda Booramada ee Gobalka Awdal lagu toortay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Muj. Cabdiraxmaan Tol-waa ayaa mar labaad hogaanka u qabtay Shacabka Reer Somaliand, isla markaana waxa curtay dagaalo sukeeye oo ka bilowday Gobalada waawayn ee Somaliland. Waxa xilligaas Somalilad hadheeyay dagaalo qabiil oo ay cudurkaas feeraska ah ay keneen Siyaasiyiinta Xilligaas Ummadda hagaayey, taas oo sababtay inay shacabkii wallaalaha ahaa ee wada-dhashay ay beelo isu-layaan. Haddana waxa shacabkii Somaliland ku habsatay Aafo salka ku haysa qabiil oo ka soo Ukuntay in masabyadii Dawlada la kala sheegto “Anagu haddaanu nahay Reer hebel waa in nala siyaa intaas oo Kursi.haddii kale waxa dhacaaya waxaas iyo waxaas Etc,” waxana laga dhalxay Xiqdigaas iyo Cudurkaas feeraska ah oo ilaa maanta wataas Xukuumaddii codka shacabka ku timi la leeyahay anagu haddaanu nahay Beel hablaayo intaas oo Kursi ayaanu leenahay, waana ayaan-darada haysata hogaamiye kasta oo Somaliland sidii uu u dhisilahaa ama loo helilahaa Dadkii aqoonta u lahaa Wasaaraddkasta ama Xafiiskasta oo Maamul.
Qabyaalada Beeluhu waxay kaga tagtay Somaliland oo ilaa maanta jirta isbadelo u baahan in si’adag loo daweeyo, waxyaabaha ay daaqada ka saarat iyo dhaqanada aan la garanayn dawadooda ayaa waxay tirtirtay in aqoon yahankii ama qofkii kartida lahaa ee damacsan inuu Dalkiisa iyo Ummaddiisa u shaqeeyo oo uu aqoontiisa galiyo ciddi maanta wax ka dhagaysanayn ilaa uu Suldaan ama Oday cumaamad, Koofiyada cad iyo Bakoorad sita uu soo kaxaysto oo Beeshiisu tageersanayn in Wasiir ama Xil kale oo Dawladeed loo dhiibayn, waxayna ayaan-daro ku tahay Qaranimada iyo haykalka dawladnimo ee Somaliland sheegato. Waxaana maanta Somaliland ugu liita qofkii aqoonta lahaa ee jeclaa inuu aqoontiisa siga oo Madax-bannaan oo ciddi wadin uga faa,iideeya Ummaddiisa, isla markaana waxa shaqadii Dawladnimo iyo Cidda Xil ka qabanaysa go’aankeeda leh Odayaasha Koofiyadaha cad, Cumaamadaha cad garabka kuwada sita ee Suuqa jooga ayaa maanta qofkay doonaan Xukuumada u yeedhiya qofkaydoonaana Erya oo suuqa ka badela, isla markaana waxaad xasuusataan xilligii lagu dhawaaqay Wasiiraddii cusbaa ee Xukuumada Siilaanyo Wasiirkii loo dhiibay jagada Wasaaradda Kallumaysiga iyo Bada ee idhi anaga Reerkaygu meesha ima keenin ee aqoontayda ayaa ikeentay markiiba masabkii uu hayey waa laga qaaday oo waxa uu is-kaga noqday Dalka Maraykanka oo uu ka yimi markii hore isagoo jagadaasna loo dhiibay Wasiir Geel-jire.
Inkastoo ay hubaal tahay in Dawladanimada Somaliland iyo qaybyaaladu ay isku sidkan tahay ayaa haddana Waxa xusid mudan oo maanta horteena taala in Ciyaartoygii Xulka Gobalka Togdheer oo maalin saddexaad loo taxaabay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa galaaftay qabyaalad hadhaysay in Xulkii Gobalka Togdheer ay guuldaro iyo ceeb ka qadeen Koobkii Gobalada ee Somaliland oo wakhti xaadirkan ka socda Caasimada Hargeysa ayaa u horseeday inay damarsadaan guul-daro qabyaalad ah, balse haddii dhaqamadan xun laga tagin waxa laga dabarsan doonaa lafjab tan kasii xun oo Qaranka hoog u horseeda, isla markaana waa ceeb dul-hoganaysa Ummaddan iyo Qarankan oo u baahan in la sameeyo sidii lagaga gud-bi lahaa ee arrin xal loogu helilahaa. Waayo Sidii loo helilahaa inuu qofku uu kartidiisa uga soo dhex-bixilaa Ummaddaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan gayiga Somaliland.
Runtii waxa arrintan masuuliyadeeda leh Siyaasiyiinta maanta ku dhex-hirdamaysa Somaliland oo ah qaar intooda badan ay Siyaasadooda u isticmaala ama ay ku tiirsan tahay Qab-yaalad oo aamisan inay si kale wax ku helayn, waana Ragg intooda badan ay in badan soo hor-taagnayeen Indhaha Shacabka Somaliland oo aan arrin kale oo qab-yaaladaas ahayn hayn.