Hargeysa(GNA)-Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ku shaaca ka qaaday in Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalada 4-aad ee dugsiyada sare iyo kuwa sideedaad ee dugsiga hoose dhexe bilaamayaan 15 Bishan June oo ka began sabtida soo socota.
Sidaasina waxa lagaga dhawaqay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Guddoomiyaha Xafiiskaasi Daa’uud Axmed Faarax iyo Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Sam-sam Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan Ardayda Fasalada 4aad ee dugsiga sare ee Imtixaanka u fadhiisanaysa ay ka koobantahay 2779 oo arday, halka Dugsiga dhexe Fasalada sideedaad ay u fadhiisanaayan 12122 arday, guud ahaan Goboladda Somaliland.
Guddoomiyeha ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan Shaqaalihii ka hawl-gelayay Goobaha Imtixaanka lagu gelayo, 130 qof oo shaqaale ah, 56 kalkaaliye iyo 905 Macalin oo Imtixaanka Ilaalinaya, kuwaasoo dhamaantood ka hawl-geli doona Goboladda Somaliland.
Daa’ud Axmed Faarax, ayaa sidoo kale, sheegay in sanadkan Imtixaanka Dawlada ee shahaadiga gobolka Selel oo aan hore uga qayb-geli jirin sanadkan Arday dugsiyada gobolkaasi dhamastay imtixaanka laga qaadayo.
Sidoo kale Wasiirka waxbarashada Sam-sam Cabdi Aadan aaya ardayda Imtixaankan ka qayb-gelaysa u soo jeedisay inay u diyaar garoobaan Imtixaankan, iskana jiraan wax kasta oo wax u dhimaya habsami u socodka Imtixaanaadka.
Qaadista imtixaanka Dugsiyada dawlada ayaa sanadkan ku soo aaday xili ay socdaan ciyaaraha goboladda wadanku, isla markaana dhalinyaro badan oo Imtixaankan ka qayb-gelaysaa Daawashada iyo ka qayb-qaadasha Ciyaaraha uga baxayaan garoomada sidii ay u sabtida u fadhiisan lahaayeen Imtixaanka.
Taasoo aad loo hadal hayo inay saamayn ku yeelanayso Ciyaaraha, markay ugu yartahayna Ardaydu lumin doonaan taageerada Kooxaha tartanka isugu soo hadhay.
Dhinaca kale, inkasta oo aan wali la gaadhin wakhti la sii saadaaliyo in Imtixaankani ka badbaadi doono xatooyo sidii dhacday saddexdii sandood ee ugu dambeeyay, hadana waxa jira dareemo muujinaya feejignaan wasaaraddu ka qabto in Imtixaankaasi si fudud ku baxo.
Gobanimonews
Hargeysa Office