Sunday, June 16, 2013

Somaliland: Ciyaaraha Goboladda oo Bambo Qabyaalad ah lagu Dhex Qarxiyay iyo Ifafaale khasbaya in .M/weyne Siilaanyo soo Faro-geliyo


Hargeysa(GNA)-Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland ayaa ka socda Garoomada Kubadda cagta Hargeysa Staduim iyo Kubadda kolayga ee Timacadde, waxaanu marayaa Wareega sideedaad oo ay labadii ciyaarood ee ugu horeeyay ay maanta isku waajaheenXulalka Maroodi-jeex iyo Awdal, iyo Gabiley iyo Saraar oo wada ciyaaray.




Ciyaarahan oo ay sanadka ka soo qayb-galeen 13 Xul oo ka kala socda dhamaan Gobolada Somaliland, oo ay ka kala yimaadeen ilaa 403 Ciyaaryahan oo dheelaya noocyada kala duwan ee Ciyaaraha fudud iyo Kubadda Cagta, ayaa abuuray Xamaasad iyo qabyaalad sababtay in Kooxaha qaarkood laga madnuuco inay dhamaystaan kulamada tartan ciyaareedkan ay ku lahaayeen.




Gobolka Togdheer oo ka mid ahaa Lixdii Gobol ee Somaliland ee Ciyaarahan ka qayb-geli jiray, ayaa todobaadkii hore kooxdii Magaciisa ku ciyaaraysay Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay u kala jabeen laba dhinac oo qabyaalad isku bahaystay, inkasta oo khamiistii dib xoriyadooda loogu soo celiyay.




Ciyaaryahanka Togdheer sababta kala safashada ugu wacan ayaa lagu sheegay muran ka dhashay Kabtanka Kooxda oo ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco, isla markaana beesha Barigu doonayeen inay ka qaadaan Kabtanimada Xulka Gobolka.




Sidoo kale waxa Ciyaartii Sabtida maanta  dhacday ee bilwoga u ahayd wareega 8-aad Xabsiga lagu Uruuriyay Xulka ku ciyaaraya magaca Gobolka Saraar, kuwaasoo ka cadhooday Gool ay ka dhashadeen Xulka Gobolka Gabiley oo ku doodeen inuu si khalad ah ku dhashay.




Wali go’aan lagama gaadhin Xadhiga kooxda Gobolka saraar oo Garoonka dhexdiisa lagaga uruuriyay Gaadhi shabagleh ah, balse cabashadooda ayaa ah mid ay si weyn isha ugu hayaan dadka ka faalooda arimaha Ciyaaraha ee reer Somaliland.




Cabashooyinka iyo muranka ka dhalanaya tartamada iyo buuqa ay samaynayaan Kooxaha laga guulaysto, ayaan ahayn wax ku cusub dhaqanka tartamada noocan oo kale ah, hase ahaatee waxa jira dareemo bulshada dhexdeeda soo galay oo sheegaya inay jiraan gacmo siyaasadeed iyo kicin qabyaaladeed oo loogu soo gabanayo Ciyaaraha socda.




Qaar ka mid ah asxaabta siyaasadda ee wadanka iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda ayaa si toos ah fata loogu godayaa inay xulalka Goboladda qaarkood hoosta ka xidha-xidhaynayaan oo ay doonayaan inay muran abuuraan hadii laga guulaysto.




Dadka arimaha siyaasada ku foogan ayaa sheegaya in Wasiiradda xukuumaddu la safanyihiin xulalka Gobolada ay ka soo jeedaan, taasoo meesha ka saaraysa dhexdhexaadnimadii dhinaca dawlada ee Xulalka Ciyaaraha ka qayb-gelaya, waxaanay dadka arintan hadal hayaan intaasi ku darayaan inay Wasiiradda faraha kula jira ciyaaruhu sidoo kale gacan saar iyo faro gelin ku sameeyeen Garsoorayaasha Ciyaaraha qaarkood.




Waxaanay taasi abuurtay shaki iyo in Garsoorayaasha Ciyaaraha qaarkood oo u badan Calan wadayaasha Il gaar ah lagu hayo, isla markaana loo arko inay Kubadda ka foorarinayaan xulalka ka soo horjeeda dhinacyada ay gacan saarka la yeesheen, laakiinse taasi maaha sheeko ilaa hada lagu garnaqsaday oo ay hadal haynteedu dibada u soo bixin.




Dhinaca kale, waxa jira Gol-dalloolooyin fara badan oo lagu dhaliilau dhinaca Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo lagu eedaynayo habacsanaan Maamul iyo inaanay tahli karayn qancinta kooxaha tabashada ka qaba natiijada kulamada lagaga guulaysto iyo la Xisaabtan la’aan Garsoorka Ciyaaraha.




Sidoo kale waxa Wasaaradda lagu eedeynayaa inay midayn kari wayday Xulalka dhexdooda iskhifaay, una Ogolaatay tartanka Kooxo muran qabyaaladeed ka dhex oognaa oo iyagoo aan garoonkaba soo gelin si cad loo tuhunsanaa inaanay ku heshiinayn u safashada Goboladooda, reer Togdheer oo kale.




Waxa kale oo wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Rayga; lagu dhaliilayaa in ka dib markii uu mudo ka  hor tir-tiray, Xidhiidhadii Ciyaaraha wadanka oo door weyn ka qaadan jiray qabashada Ciyaaraha Goboladda, uu hada cunaha iskaga duubay dhamaan shaqadii Wasaarada ee Ciyaaraha ku saabsanayd, wax yarna u saaranyahay inuu Siidhi wade ka noqdo Garoomada tartamadu ka socdaan.




Wasiir Cali Siciid oo bilowgii furitaanka Koobka si weyn loogu dhaliilay Marti gelidka Xulalka Goboladda ka kala yimi oo Dugsiyada Waxbarashada qaarkood la dejiyay, qaarna Madaxda dawlada ugu jirta Gobolada ay ka yimaadeen iyo Ganacsatadoodu dejiyeen Guryo fiican, ayaa iminka oo ay Xaraarada Ciyaaruhu boqolka ku sii siqaysana lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyo qabyaalada lagu soo dhextuuray Garoomadda Kubaddu ka socoto.




Indheer Garadka iyo Ashkhaasta tooska ula socda Sooyaalka tartanka iyo qaban-qaabadiisu, hada waxay walaac ka qabaan maxsuulka ka soo bixi doona kulamada ugu dambeeya ee tartankan, maadaama cabashooyin badan iyo Cadaalad daro ay tirsanayaan Kooxaha ilaa hada ciyaaraha ka hadhay ee Goboladoodii ku noqday.




Sidoo kale, waxa laga walaacsanyahay sida loo daaweynayo Qabyaalada iyo Cunsuriyada dib uga curatay Ciyaarahan oo aan hore looga baran Koobabkii hore ee Goboladda loo dhigay ,sanadihii la soo dhaafay.




Si kastaba ha ahaatee, marka laysku wada geeyo Dhaliilaha muuqda iyo dhako faarka dadku ka qaadeen Ciyaaryahanada la xidh-xidhayo iyo kuwa cabashada la taagan warbaahinta, waxa muuqata inaanay ka fursanayn in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo soo faro-geliyo dhamaadka tartan ciyaareedkan oo aan wakhti badani ka hadhsanayn.




Waxaana Muhiim ah in Madaxweynuhu hadii aanu hawshan wakhti iyo wado midna u helayn uu magacaabo Guddi qaran oo Ciyaaraha la maamusha  Wasiir Cali Siciid Raygal iyo dhawrka qof ee la shaqaynaya oo hada ku dhex dawakhay kooxaha Kubadda ku Ciyaaraha Reer Hebel iyo Taageerayaasha Garoonka Kubadda Cagta ugu badan oo hadii Xulka Gobolka Hawd laga badiyo ay adagtahay sida looga badbaadaa,iskuna dhicayaan maalin kasta Ciidanka Bilayska.




Gobanimonews




Hargeysa Office