Sunday, June 16, 2013

Iiraan: Madaxweyne Isbedel Doon ah oo la Doortay iyo Washington oo ka Dareen Celisay


Tahran(GNA)-Telefishinka dalka Iran ayaa si rasmi ah looga shaaciyay  in Musharaxii qunyar socodka ahaa ee  Xasan Ruuxaani uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday Sabtidii Maanta,  kadib markii uu helay in ka badan 50% codadkii la tiriyay.

Ilaa 50 Malyan oo shacbiga Iraan ah, ayaa loo ogolyahay inay codeeyaan doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo wasaarada arimaha guduhu sheegtay in 72% laga qayb qaatay.

Safafka ayaa ahaa maalintii Jimcaha kuwa buuxdhaafsan iyadoo dadka dooranayaan Madaxweynihii badali lahaa Axmadi Najaat oo 8-dii sanno xilka hayay.

Ruuxaani ayaa horey u soo jiitay indhaha shucuubta Reer Tahran  ka dib markii uu ku khudbeeyay in dib wada hadal loola gelayo  reer Galbeedka ,dib u habayna lagu sameynayo saxaafada iyo siidaynta maxaabiista siyaasada ugu xidhan.

Sidoo kale taageero ayuu ka helay labadii madaxweyne ee horay uga soo taliyay Iran Maxamed Khaatami iyo Cali Akbar Haashimi.

Waa doorashadii ugu horeysay tan iyo 2009 oo Axmadi Najaad ku soo baxay , waxaana   wadooyinka u soo baxay mucaaradka dalkaasi oo uu hogaaminayay Madaxweynaha cusub.




Axmed Ruuxaani ayaa waajahaya Siyaasadaha Dalalka Reer Galbeedku ku eegayaan wadankiisa, waxaanu waji cusub u noqonayaa hogaamiyayaasha Reer Galbeedka oo mudo sideed sanadood ah quus ka joogay Axmedi Najaadka uu bedeli doono.




Filashada Reer Galbeedku ay tahay wuxuu ka yeelo ama mawqifkiisa ku aadan curinta Macdanta laga sameeyo Hubka Nuclear-ka oo ay lagu eedeynayo inay Iiraan samaysanayso, isla markaana xarumo lagu tayeeyo macdantaasi ku yaalaan waddankaasi.




Hase ahaatee Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga arimo Maraykanka ayaa sheegay inay Washington Ixtiraamayso doorashada Madaxweyne Rohani “Madaxweyneha la doortay waa inuu kaga dhabeeyo Balanaqaadyadii uu fidiyay, si u u balaadhiyo Xoriyada iyo isbedelka reer Iraan”sidaasi waxa yidhi Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry oo saacado yar uun ka dib markii guusha Rohano lagu dhawaaqay hadlay.




Axmed Najaat, ayaa ku fool adkaa Maraykan iyo Xulafadiisa, una diiday inay marna kaga gar helaan abuurista Tamarta Nuclear-ka, iyadoo uu Fagarayaasha kaga doodi jiray in kuwa arintaasi dooda ka qabaa ka soo horjeedaan horumarka dalkiisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office