Tuesday, June 18, 2013

Saylici Iyo Cabdiraxmaan-Tolwaa oo Safar Kedis ah ku yimi Boorama iyo Bilayska Xariirad oo Xabsiga u taxaabay Oday Dhaqameedyo






Boorama(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaadhay Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.




Socdaalka madaxweyne ku-xigeenku ku tegay Boorama waxa ku wehelinaya Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax, waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay salka ku hayso mashaqo ka soo cusboonaatay degmada Xariirad ee Gobolka Selel, ka dib markii xalay Nin shicib ah lagu dilay.




Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal kooban siiyay Warbaahinta, ayaa sheegay in dhacdhadada Xariirad ka dhacday wali baadhisteedu socoto, Ciidanka amaankuna ku hawlanyihiin sidii loo soo qaban lahaa cidii ka dambeysay falkaasi.




Dhinaca kale, Wararka laga helayo Xariirad ayaa sheegaya in Maanta la aasay Ninkii xalay halkaasi lagu dilay, isla markaana Xaaladu degentahay , sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobanimonews ee Gobolka Selel.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maanta Xabsiga loo taxaabay afar Oday oo ka mid ah Waxgaradka Degmadaasi, kuwaasoo ka soo jeeda Beesha Gobolka Awdal oo loo tuhunsanyahay inay ka soo jeedeen Dablayada Xalay Dilka geysatay.




Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Xariirad ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in afarta Oday Saaka la taxaabay, loona haysto Dilkaasi oo loo tirinayo inuu daba socdo Aano hore u dhex taalay Beesha ay degmada wada degaan ee Ciise.




Gobanimonews




Borama Office