Hargeysa(GNA)-Ciyaartii labaad ee galabta ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium , ayaa ku dhamaatay 0-0, taasoo ay wada ciyaareen labada Xul ee Marood-jeex iyo Sanaag oo ku kala jiray Group-yada A iyo B.
Ciyaartan oo ay labada kooxoodba ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo xirfad aad u saraysa, oo weerar iyo weerar celisba leh, ayaan midkoodna shabaqa ka saarin Kubadda, taasoo dhalisay inay ku dhamaato 0-0.
Inkasta oo labada kooxoodba aanay wax dhibco ah keensan,ama aanay kala guulaysan, hadana labadadoodu waxay wareega saddex dhamaadka ciyaaraha ugu gudbiyaan Group-yada ay ku kala jiraan.
Hargeysa ayaa ka soo baxday Group-ka A, halka Sanaag ka soo baxayso B.