Thursday, June 13, 2013

Dib u Dhiska Dekedda Muqdisho oo ay ku Gor-gortamayaan Djabuuti, Shiinaha iyo Shirkad Iiran laga leeyahay iyo Dawlada oo kala dooranaysa


Muqdisho(GNA) -Wafdi ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha ayaa ku  sugan Magaalada Muqdisho si ay u qiimeeyaan dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameynayo  Dekedda weyn ee Muqdisho oo ah isha ay Dawladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala.




Xubnaha ka socda labada dal oo Magaalada soo gaadhay Salaasadii todobaadkan, ayaa kulamo ku saabsan qaabka dib u dhiska dekeda loo samaynayo la yeeshay Maamulka Sare ee Dekedaasi.




Cabdillaahi Cali Nuur oo ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, ayaa Warbaahinta uga Waramay waxyaabaha lagaga wada hadlay kulamadii weftigaasi la yeesheen Madaxda dawlada “Wafdigan iyo xubnaha dawladdu waxay kawada hadlayaan sidii dib loogu casriyeyn lahaa dekedda Muqdisho,” ayuu sheegay Maareeye Nuur.




Waxaanu intaasi ku daray “Waan soo dhaweynaynaa qorshe walba oo lagu casriyeynayo dekedda Muqdisho, waxaana si gaar ah u soo dhaweynaynaa wafdiga ka socda dalalka Jabuuti iyo Shiinaha.”




Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu sheegay in dib u dhiska iyo casriyeynta  dekeddu la macno tahay in la xoojiyo horumarka dalka Soomaaliya ee dhinaca ganacsiga iyo dakhliga.




Shirkad laga leeyahay dalka Iiran oo la sheegay inay ku shaqeynayso magaca ah Muqdisho Port Container Terminal (MPCT) ayaa dadaal weyn ugu jirta inay dawladda Soomaaliya u ogolaato inay dib u dhis ku sameeyso dekeddan Jabuuti iyo Shiinuhuna doonayaan inay dayactir ku sameeyaan.




Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda doonaysa inay hesho shirkad dib u dhis ku sameysa dekedda Muqdisho oo ay ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee gudaha dalka kasoo gala, iyadoo garoonka diyaaradaha ay gacanta ku hayso shirkadda SKA Air Logistic oo dib u dhis ku sameysay.




Doonista Shirkaddan Iran laga leeyahay iyo qorshaha ay wataan Shiinaha iyo Djabuuti, ayaa u muuqda yooyootan  ay dhinacyadani ugu jiraan Maalin gelin ay ku sameeyaan Dekedan oo ay dabadeed door ku yeeshaan Dhaqaalaha ka soo baxa, iyadoo ay tahay dekedani mid ka mid ah Kaalmaha Biyo mareenka Badweynta Hindiya ee fududeeyay isku xidhka Badda iyo Bariga wadanka.




 Gobanimonews




Muqdisho Office