Pages

Monday, June 17, 2013

M/weyne Siilaanyo: Dhulka Raasiga iyo Waddada Berbera, lama Iibin karo, lama Iibsan karo, lamana kiraysan karo”


Hargeysa(GNA)-Wareegto Caawa ka soo baxday Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu mabnuucay Iibinta, Ibsashada, Kiraysiga iyo in si kale oo dawlada ka madaxbanaan looga faa’idaysto Dhul Dun Guud ah oo dhererkiisu dhanyahay 15Km oo dhinaca Galbeedka ah iyo 20Km oo Xeeliga Badda ah oo ku yaala Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Sool.




Dhulkan oo ah meesha loo yaqaani Raasiga Xeebta iyo Wadada dekeda tagt, soona gaadhsiisan ilaa halka ay magaalada ka gasho Wadada Hargeysa, ayuu madaxweynuhu Maamulka gobolka iyo degmada ku amray inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cidii damac ka galo, isagoo Taliska bilayskana ku amray inuu gacan ku siiyo Masuuliyiinta wax ka qabashada arintaasi.




Nuqul ka mid ah Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray oo Gobanimonews heshay ayaa lagu yidhi sidan:-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013      ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-




 




Ku:       Guddoomiyaha Gobolka Saaxil                                                                                    Berbera




Ku:       Duqa Magaalada Berbera                                                                               Berbera




Ku:       Maareeyaha Dekedda Berbera                                                                       Berbera




Og:      Taliyayaasha Ciidammada                                                                             JSL.                             




MADAXWEYNUHU:-




Markuu Arkay:            Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




 




Markuu Arkay:            Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;




 




Markuu Arkay:            Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;




Markuu Arkay:            Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;




 




Markuu Arkay:            Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;




 




Markuu Arkay:            Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;




 




 




 




 




 




 




Mudanayaal,




 




Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.




 




Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa ilaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.




 




Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.




Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.




ALLAA MAHAD LEH




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.