(GNA) Warsaxaafadeedyo uu madaxweynaha soomaalilan mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) goor dhaweyd soo saaray ayaa ku wajahnaa masuuliyiinta gobolka saaxil taas uu madaxweynuhu kaga hadlayo dhulak danta guud ee ay maamusho dawlada soomaaliland.
waxa kalae ee uu madaxweynu dhaqan galiyay xeerka statistics Law,
waxaanu udhignaa sidan hoos ku xusan.
16/JUNE/2013
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013 ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Berbera
Ku: Duqa Magaalada Berbera Berbera
Ku: Maareeyaha Dekedda Berbera Berbera
Og: Taliyayaasha Ciidammada JSL.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;
Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;
Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;
Markuu Arkay: Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;
Markuu Arkay: Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;
Mudanayaal,
Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa ilaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.
Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.
Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013
ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka
Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.
Wuxuu Soo Saaray
Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.