Pages

Friday, June 21, 2013

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo si adag uga hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho


(GNA) War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa lagu muujiyay sida uuu madaxweyne Obama uga xunyahay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Hey’adda U.N.D.P.,  wuxuuna Obama u tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.




Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay ciidamada dowladda sida farsameysan oo ay uga hortageen weeerarkii shalay lagu qaaday xarunta Hey’adda UNDP.




Mudane ka tirsan Congreeska Mareykanka oo lagu magacaabo Kith Elesin ayaa ku baaqay in la soo gebageeyo argagixisada, isagoo hoosta ka xariiqay in cunaqabateynta laga qaado dowlada Soomaaliya ay fududeyndoonto sidii Soomaaliya looga tirtiri lahaa argagixisada.