Pages

Friday, June 21, 2013

Gabiley oo ku Guulaysatay Koobka Kubadda Kolayga iyo Maroodi-jeex oo Guul-daro kala Hoyaday Timo-cadde






Hargeysa(GNA)-Kooxda Kubadda Kolayga ee Gobolka gabiley, ayaa Caawa la hoyday Koobka Kubadda Kolayga Somaliland oo mudo ka socday Garoonka Timacadde ee Caasimada hargeysa, ka dib markii ay Caawa 58 Dhibcood iyo 54 kaga adkaadeen Gobolka Maroodi-jeex.




Ciyaartan  dhex martay labada xul ee Gabiley iyo Maroodi-jeex oo ay ka soo qayb-galeen Daawashadeed Xubno ka mid ah golaha Wasiiradda eee Xukuumadda Somaliland, Madaxda wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Boqolaal Taageerayaasha labada xul ah oo soo buux dhaafiyay Garoonkaasi, ayay labada ciyaartoo ku soo bandhigeen Ciyaar wanaag aad u sareeya.




Labada Xul, ayaa isugu soo hadhay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Koobkaasi, waxaana si rasmiya u qaaday Gabiley oo tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta kaga hadhay Wareega Afarta Kooxood.




Ciyaarta ayaa markii ay dhamaatay Taageerayaasha xulka Gabiley , waxay agagaarka garoonka iyo Xaafadda shacabka ka samaynayaan dabaal-degyo ay ku muujinayaan dareenkooda Guusha, iyagoo qarxinaya walxa lagu dabaal-dego ee Rashku ka mid yahay.




Daryanka walxahaasi ayaa laga maqlayaa meelo-fog fog oo Magaalada ah, waxaana wali socda dabaal-degyada, iyadoo ay Ciidanka amniguna isku dayayaan inay kala kaxeeyaan Taageerayaashaasi.




Xulka Gobolka Maroodi-jeex ee Caawa Koobka laga qaaday ayaa haystay Horyaalnimada Koobabka Kolayga iyo cagta, hase ahaatee waxay caawa ka samreen qaadiska Koobkaasi, halka dhinaca kubadda Cagta oo ay final-ka u fadhiyaana ay beri wada ciyaarayaan Gobolka Hawd oo ay isugu soo hadheen Ciyaarta kama dambeys ah.




Gobanimonews




Hargeysa office