Pages

Thursday, June 13, 2013

Maareeyaha cusub ee Hay’ada Korantada Dawlada Somaliland iyo ku-xigeenkiisa oo Xilalkii la Wareegay


 




















 




Hargeysa(GNA)-Maareeyaha guud ee Wershada korantada Dawlada iyo ku-xigeenkiisa ayaa maanta si rasmiya xilkii ugula wareegay Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Sumar-time ee Magaalada Hargeysa.




Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, Maamulkii ku-meel-gaadhka ahaa ee Hay’adaasi, xubno ka mid ah Saraakiisha iyo shaqaalaha Wakaalada iyo marti sharaf kale, waxa hadal ka jeediyay Maareeyaha cusub ee Wakaalada Korantada Dawlada Axmed Yaasiin Aw-maxamed Jaamac, waxaanu ka waramay qorshihiisa ku aadan horumarinta Hay’ada Korantada oo mudo dheer laga cabanayay adeegyada ay bixiso.








Waxaanu hoosta ka xariiqay inuu dedaal u gelayo sidii uu tayada adeegada Wakaalada uga dhigi lahaa mid laga haqab tiro Macaamiisha isticmaasha laydhka Dawlada, una kasban lahaa kuwo cusub.




Sidoo kale, Wasiirrada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo xubno ka ahaa Guddi uu Madaxweynuhu dhawaan u saaray xal u helida cabashooyinka Wakaaladan  oo soo noqnoqday, ayaa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyay, waxaanay Masuuliyiinta cusub ku soo dhaweeyeen Shaqada cusub ee ay la wareegeen, iyagoo Illahay uga baryay inuu xilalka u fududeeyo.








Xubno ka mid ah Marti sharaftii Munaasibada ka soo qab-galay ayaa iyaguna masuuliyiintan ugu duceeyay inuu shaqada u fududeeyo, isla markaana kula dardaarmay inay muujiyaan hawl-karnimo iyo daacadnimo ay u muujinayaan u adeegista Bulshada.








Ugu dambeyntii Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyaynta Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xilalka u kala wareejiyay Masuuliyiintii hore ee  maamulka Hay’adaasi sida ku meel-gaadhka ah u soo hayay iyo Maareeyaha cusub.








Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac Maareeyaha cusub ee Hay’adan ayaa shaqada ku helay imtixaan loo galay shaqadaasi, ka dib markii Warbaahinta lagu baahiyay, waxaanu leehaya waayo aragnimo dheeraad ah oo dhinaca Maamulka ah, sida ay ku dhawaaqeen Guddida Imtixaanka shaqadan loo galay qaaday.




Halkan ka dhegeyso Khudbadihii laga jeediyay Munaasibada:




Gobanimonews




Hargeysa Office