Sunday, June 16, 2013

Jose Mourinho: Waxaan Iska Diiday Shaqada Man United Si Aan Ugu Soo Laabto Kooxdeyda Kaliya Chelsea.

Mourinho ayaa soo gabagabeeyay lix sanno uu ka maqnaa Premier League markii uu ku soo laabtay Chelsea markii labaad ee mustaqbalkiisa tababarenimo.

50 jirkaan ayaa lala xidhiidhinayay inuu shaqada Old Trafford qabanayo markii Fergie uu ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fadhiisnayo islamarkaana Mourinho uu ka soo laa laabtay Real Madrid.

Laakiin tababaraha reer Portugal ayaa yidhi sida ay qortay The Sun: “Waxaan iska diidi lahaa shaqo kasta oo adduunka ah si aan Chelsea ugu soo laabto.

“Dabcan waan u sheegay Sir Alex inaan doonayay inaan ku laabto Stamford Bridge.”

Mourinho ayaana sheegay inuu si aad ah ugu farxay  in Sir Alex Ferguson uu ku aaminay warka ku saabsan inuu ka tagayo shaqada Old Trafford bilo ka hor inta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waan ogaa in Ferguson uu ciyaaraha ka fadhiisanyo bilo ka hor, waan ku faraxsanahay sida uu iigu aaminay madaama ay aheyd war weyn.

“Waxaan qiyaasayaa in dad tiro yar oo isaga ku dhow dhow kaliya inay ogaayeen go’aankiisa, waxaana ay ii aheyd mas’uuliyad inaan aniga ogaado waxa uu qorsheystay.

“Waxa uu qorshihiisa iigu sheegay sida inaan saaxiibo nahay. Madaama saaxiibkeey yahayna waxaana u sheegay in kooxda kaliya aan doonayay inaan England macalin uga noqdo inay tahay Chelsea mar kale.”