Sunday, June 16, 2013

Cheick Tiote Oo Noqday Xiddigii 2aad Ee Muslim Ah Ee Ka Dhiidhiya Inuu Xirto Dirayska Newcastle Ee Wonga Lagu Xayaysiinayo.


Ciyaaryahankii labaad ee Newcastle ayaa la taliyayaashiisa dhanka sharciga kala hadlay xayaysiinta shirkada ribada ku shaqeysata ee Wonga.




Cheick Tiote ayaa la kulmi doona isbuucaan madaxda kooxda isagoo weydiisan doona inay kooxda u isticmaalin sawiradiisa inay ku xayaysiiyaan maaliyadooda cusub ee ay lagu xayaysiinayo shirkada ribada ku shaqeysata ee Wonga.




Weeraryahan Papiss Cisse ayaa hore u sheegay inuusan dooneynin inuu xirto maaliyada Newcastle oo lagu xayaysiinayo Wonga, laakiin isaga iyo ciyaartoyda kale ee Muslimka ah Tiote, Massaido Haidara, Hatem Ben Arfa iyo Moussa Sissoko ayaa sawiro xayaysiin ah oo maaliyada cusub oo ay ku qoran tahay Wonga.com laga qaaday bishii April si loogu suuqgeeyo shirkada.




Cisse iyo Tiote markaas kama aysan warqbabin sida ganacsiga Wonga uu u shaqeeyo, waxaana ay dareemayaan in kooxda ay ku qiyaantay inaysan ku wargelin madaama shareecada Islaamka aysan ku banaaneyn ganacsiga ribada ku dhisan.




Newcastle ayaa ilaa haatan baahisay kaliya hal sawir oo uu maaliyada ku xayaysiinayo Steven Taylor, laakiin sawirada kale ee ay qaadeen ayaa dhawaan laga yaabaa in la baabi’iyo.




Newcastle ayaa bishii October ee la soo dhaafay heshiis afar sanno ah oo ku kacaya 24 milyan ginni la gashay Wonga, waxaana ay maaliyadooda ku xayaysiin doonaan xilli ciyaareedka soo socda.




Tiote ayaa la hadlay lataliyayaashiisa dhanka sharciga isbuuciii hore, waxaana uu doonayaa inuu la kulmo madaxa guud ee Newcastle Derek Llambias.