Pages

Friday, June 14, 2013

Guri Dalxiis Oo Gaadhi ku Rakiban Qiimihiisu Yahay Sadex millyan Dollar Oo Lasoo Bandhigay:


Shirkad  laga leeyahay wadanka Hungary ayaa soo bandhigtay guriga ugu qaalisan dunida kaasoo ah guri guur guura lagu iibin doono 3 milyan oo doolar, shirkadan ayaa soo gurigan kusoo bandhigi doonta suuqa lagu soo bandhigo waxyaabaha dunida ku cusub.




 




Gurigan ayaa ah guri guura kaasoo gabi ahaantii lagu daday dahab waxaana lagu iibin doonaa lacag maalaayiin doolar.




Shirkada soo bandhigtay gurigan sida Baska oo kale ah lehna lugaha baabuurta caadiga ah iyo kursiga laga wado gawaarida ayaa lagu magacaabaa Marshey Mobile, waxayna madaxda shirkadaani sheegeen in Gurigan lagu soo bandhigi doono Marcadka wayna ee Dubai kaasoo la qaban doono horaanta bisha July ee soo socta ee uu sheegay wargeyska News 24.




 




Gurigan guur guura ayaa oo loogu magac daray Elmint Plaza waxa uuna ka kooban yahay Qol jiif oo raaxo badan kaasoo u dhameystiran yihiin dhamaan agabkii jiifa waliba nooca raaxo badan sidoo kale waxa uu leeyahay Air Condition leh qabow iyo kuleyl iyo Tv aad u heer sareey kaasoo 40 Cm, Sidoo kale waxa uu leeyahay Qol fadhi Kushiin ama jiko Talaajad (Firinjeer) Qasaalada dharka lagu meydho,mashiinka sameeya  Furan ku shaqeynaya leedhka Bortogaas iyo Makiinada lagu sameeyo Shaaha iyo Kofeyga, sidoo kale Qeybta sare ayaa ah qeyb VIP ah kaasoo lagu qaabili karo marti sharafta waxa uuna leeyahay Hall aad u wayn oo gaaraya 13 Mitir  lehna wax walba oo aad uga baahan laheyd Hotel.