(GNA) Shaqaalaha daryeelka caafimaadka Kenya ayaa dhaleeceynaya kororka dawooyinka been abuurka ah ee lagu iibinayo guud ahaan dalka, iyaga oo ku baaqay talaabo xukuumadeed deg deg ah si arrintaa loo joojiyo.
Kororka dawooyinka been abuurka ah iyo farmashiistayaasha Kenya ayaa sababay dhimasho badan, curyaannimo iyo dhaawac gaara bukaanka, balse waxaa sidoo kale arrintaa ka qayb qaata qiimaha sareeya ee goobaha caafimaadka dowladda, ayuu yiri Guddoomiyaha Jamciyadda Caafimaadka Kenya Elly Nyaim.
"Waxaan mallaayiin ku qarash gareynaa sixidda iska difaacidda cudurada sida duumada iyo qaaxadda maxaa yeelay bukaanka iyaga oon aqoon u laheyn ayay qaataan dawooyinka [been abuurka ah], oo aan iyaga daweyneynin," ayuu Nyaim u sheegay Sabahi. "Taa waxaa ka dhalata iska caabbin, taa oo iyaga ku qasabta in ay bixiyaan qiyaas taa kabadan kana xoog badan si cudurka loo daweeyo."
Sida laga soo xigtay Golaha Farmashiyayaasha iyo Sumaha Kenya (PPBK), dawooyinka been abuurka ah waa dawoowin heer dhaxaad a oo lagu dhex qaso isku dar qalad ah, halka kuwa faalsada ah aanayba leheen isku dar fir fircoon.
PPBK ayaa loo xil saaray in ay hubiyaan in dhammaan dawooyinka laga soo saaro dalka, loo soo dhoofiyo Kenya, lagana dhoofiyo dalka ay gaareen halbeeg ammaan ah. Gudiga ayaa sidoo kale soo saara ruqsadaha dawooyinka, sidoo kalna diiwaan galiya farmashiyayaasha.
Qiyaastii 30 boqolkiiba dawooyinka lagu iibiyay Kenya sanadkii hore waxa ay ahaayeen faalso ama been abuur, taa oo keenta qasaaro sanadle ah in kabadan 10 bilyan oo shilin ($117 milyan oo doolar), sida ka muuqatay warbixinta PPBK.
"Mushkiladda waannu qaddarinaynaa, si walba oo ay ahaataba tani lama mid ahan in aannu ka jiifno shaqada iyo in aynaan awoodin in aannu dalka ka nadiifino wax soo saarka dawooyinka been abuurka ah," ayuu Sabahi u sheegay Guddoomiyaha PPBK Kipkerich Kosgey.
"Laga soo billaabo bisha Janaayo, waxaannu tayaynay shaqaalaha si loo xoojiyo xafiisyadeena xudduudaha ee u shaqeeya baraha laga soo galiyo dawooyinka," ayuu yiri. "Waxaan sidoo kale qab qabasho ku wadnaa farmashiyayaasha aan diiwaan gashneyn ee dalka maxaa yeelay waxaannu ka shakisannahay in kuwani ay mas'uul ka yihiin iibinta dawooyinka faalsada ah."
Ciqaabo adag iyo wacyi galin dheeri ah ayaa loo baahanyahay
Guddomiyaha Midowga Farmashiistayaasha, Dhaqaatiirta Ilkaha iyo Howlgalayaasha Caafimaadka Kenya Victor Ng'ani ayaa sheegay in dawooyinka faalsada ah ay saamaynayayeen xubnaha midowga awoodda ay u leeyihiin gudashada shaqooyinkooda.
"Dhaqaatiirtu waxa ay bixiyaan qiyaasaha saxda ah, waxa ayna door bidaan dawo gaar ah si ay u daweeyaan cudurka, balse marka bukaanku uu aado farmashiyaha, oo la siiyo daawo qalad ah taa oo halis galisa caafimaadkiisa, [dhaqaatiirta] ayaa la eedeeyaa, islamarkaana looma arkaa kuwo aan wax tar leheen," ayuu yiri Ng'ani.
Haddii arrintan ay sii socoto, waxa uu sheegay, in ay horseedi karto in lagu kalsoonaan waayo dhaqaatiirta iyo hanaanka faya dhowrka gabi ahaanba, taana ay dhiira galin doonto in dadka ay ku tiirsanaadaan dawo dhaqameed iyo daweynta guryaha.
"Ka urur ahaan, waxaannu dareesannahay in kuwa loo xil saaray in ay hubiyaan tayada dawada ayna la socdaan saameynta dawooyinkan ee gudaha Kenya ay ka seexdeen shaqada, iyaga oo nolosha dadka Kenya uga tagay hoosta manaxayaal ballaayiin ka faa'ida ganacsigaan sharci darada ah," ayuu yiri.
Sharciyo liita oo ka dhan ah been abuurka, qiimaha sare ee dawooyinka rasmiga ah iyo aqoon darro ka dhex jirta bulshada ee ku aaddan sida lagu aqoonsado dawooyinka faalsada ah ayaa gacan ka gaystay sii socoshada ganacsigan sharci darada ah, ayuu yiri Ng'ani.
Si xal loo helo, waxa uu sheegay, in xukuumaddu ay tahay in ay ciqaab adag dul dhigto kuwa lagu helo in ay ka shaqaynayeen dawooyinka faalsada ah, iyo sidoo kale in ay samayso sharciyo wanaagsan oo loo samaynayo farmashiyayaasha iyo dhaqaatiirta kale.
"Dadka iibiya dawooyinkan waxa ay halis galiyaan nolosha dadka, xitaa geeri ayay sababaan. Mar alla marka la xiro, waa in lagu soo oogaa dacwado [isku day] dil ah, ee ma ahan dacwado been abuur ah, taa oo [u ogolaanaysa] in ay xabsiga ka baxaan marka ay bixiyaan lacago ka yar 200,000 oo shilin ($2,340 doolar)," ayuu yiri.
Ciqaabaha sahlan ee noocan oo kale ah waxa ay dambiilayaasha ku dhiira galinaysaa in ay howlahooda sii wataan kadib marka la xukumo, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in maamulku ay tahay in ay kordhoyaan sugnaanta ganacsatada iibinaysa dawooyinka, ayna tijaabiyaan alaabahooda iyo iibintooda.
Dawooyin qiimo leh, sida qalajiyayaasha iyo dawooyinka lagu daweeyo duumada, dhiig karka, HIV/AIDS, kanserka iyo sonkorta ayaa ah dawooyinka ugu badan ee la been abuuro, ayuu yiri Ng'ani, iyo sidoo kale qaar kamid dawooyinka kale ee caanka ah, sida xanuun baabi'iyayaasha.
Xaddidida dawooyinka caamka ah iyo in la xiro daldaloolada
Dawooyinka ugu badan ee la been abuuro, ee farmashiistayaasha aan ruqsadda haysan ay iibiyaan, waxaa ugu dambeyn goobaha caafimaadka dowladda geeya shaqaalo damiirlaawayaal ah, ayuu yiri Nyaim, oo ah guddoomiyaha KMA.
Waxa uu ugu baaqay PPBK in ay xaddidaan tirada dawooyinka caamka ah iyaga oo xiraya meelaha wax laga soo saaro ee kuwa wax been abuura u ogolaanaya in ay badeecadooda ku baahiyaan dalka.
"Qaadashada labo ama seddex xabbo oo daawada xanuunka ah ayaa fududeyn laheyd in lala socdo, la kashifo iyo in laga takhaluso kuwa aan ogolaashaha haysan, laakiin sida ay hadda tahay, oo dawo walbo oo caam ah laga helayo suuqa, waa ay adagtahay," ayuu yiri Nyaim.
Bishii Abriil, PPBK waxa ay bilaabeen hanaan interntka loo isticmaalayo oo bukaanada u ogolaanaya in ay soo sheegaan dawooyinka ay tayadoodu liidato ama kuwa sababi kara falcelin caksi ah. Dhammaan goobaha caafimaadka ee dalka waa ay haystaan macluumaadkan, taa oo fududaynaysa in lala socdo oo laga takahluso badeecadaha dawooyinka aan munaasibka aheyn, ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Kosgey.
Golaha ayaa qorshaynaya in uu la hadlo Gudiga Dhaqan Galinta Dastuurka si loo helo habab lagu badalo sharciyada dawooyinka been abuurka ah ka yaala, iyo sidii loo soo saari lahaa ciqaabo adag oo la dul dhigo rabshadoolayaasha, ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in hay'addiisu ay sidoo kale la shaqaynaysay bilayska iyo garsoorayaasha si loo siiyo macluumaad ku aaddan qaybaha kala duwan ee ganacsiga. "Dhammaan hanaanka garsoorka jarriimooyinka waxa ay u baahanyihiin in ay ogaadaan waxa ganacsiga been abuurka uu dalku uga dhiganyahay iyo waxa ay uga baahanyihiin in ay joojiyaan ganacsigan." ayuu yiri Kosgey.