Pages

Thursday, June 20, 2013

Arag,Maqal,Afkana xidho. W/Q:Xuseen Xasan Badmaax






Aafada siyaasadeed ee dalkan Jamhuuriyada Somaliland ku habsatay waa mid
taariikhdu ka markhaati kacayso.Hadaynu soo jireenka aafada siyaasadeed dib
u jaleecno oo aynu soo qaadano waaguu dhiigya cabkii Afweyne shacabkan ku
bilaabay mashruucii uu ula baxay “madax-jebin” ayaa waxa uu samaystay
ciidamo la odhan jiray “77″ iyo ciidan kale oo la odhan jiray “Duub Cas”.




Labadan ciidan waxa Afweyne u samaystay ilaalinta madaxtooyada iyo gumaadka
shacabka,waxa ay bilaabeen inay shacabka ku sameeyaan dabagal,dhegaysi iyo
been abuur ay ka qoraan hadba muwadiniyiinta xaqa ka hadasha ee sheegta
dhaliisha dawladii Afweyne.Manayna jirin saxaafad madax-banaan oo lamaba
ogolayn.Halkaa waxa ka abuurmay cadaadin iyo cabudhin la saaray cid kasta oo
isku dayda inay dhaliisho dawladii Afweyne.Dabeeto waxay noqotay car juuq dheh,
kadibna abwaanada hal-abuuradii oo ay ka mid ahaayeen Hadraawi,Cabdi-qays ayaa
u adkaysan waayay cabudhinta xorayatal qawlkii oo sii daayay hibaduu allaah ku
manaystatay,una iftiimiyay shacabka aafada siyaasadeed ee ay dawladu dalka ku
hayso ilaa xabsiga loo taxaabay.Hal-abuurkii,heesaagii,ahaana macalin Mujaahid
marxuum Maxamed Mooge Liibaan ayaa isaguna dad hortiiba shacabka u soo
bandhigay riwaayado,heeso uu ku iftiiminayay aafada iyo caga juglaynta ku soo
fool lahaa ilaa iyo uu ku biiray ururkii SSDF,kadibna ku wareegay markii SNM
aasaasantay.




Hadaba tan maanta ay dawladan Axmed-Siiraanyo ka curisay dalkan Jamhuuriyada
Somaliland ee ay kula kacday saxaafada madax banaan waxay la mid tahay taa dalka
hore u soo martay.Bal u fiirso xeer ilaaliyaha guud ee guul wadaynta ku xayiray
wargeyska Hubaal ee dhibanaha u ah dawlada.Hada xeer ilaaliya guud waa ninkii ku
dhaartay inaanu Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal dib uga noqon doonin xisbiga
ucid berigii dacwada xisbigu ku jirtay maxkamada Sare.Taas oo u muuqatay guul-wadayn
ayaa maantana intuu amar siiyay Gudoomiyaha maxkamada gobolka Md.Faysal dhigi-dhigi
ku yidhi “Waa in la xidhaa wargeyska Hubaal”. Waayo? Cajiib! Jawaabta adigaan kuu
dhaafay akhriste.




Waxa la yaab leh eedaymaha uu samaystay xeer ilaaliyaha guud oo ay xukuumadu
adeegsanayso ayaa waxay la mid tahay cabudhintii Afweyne ku hayay cidii dawladiisa
wax ka sheegta.Bal dha-dhami afarta qodob ee uu ku eedaynayo warkgayska Hubaal:




1-War Wargeysku ka qoray Safaaradda Itoobiya ee Somaliland.
2- warbixin uu ka diyaariyay Wefti xukuumaddu yamaniyiin ku sheegtay, laakiinse wargeysku isagoo soo xiganaya Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed sheegay inay ku jireen masaari u socday sidii ay Somaliland uga hadli lahaayeen arimaha Nile-ka .
3- Warbixin kale oo mudo ka hor wargeysku ka soo xigtay Wakaalado Caalamiya oo ku saabsanayd Caafimaad Madaxweyne Siilaanyo oo laga dayrinayo.
4- iyo Eedda kale oo ah Warbixin Wargeysku isku bar-bar dhigay go’aan qaadashada madaxweyne siilaanyo iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee ku aadan Dagaalka Wabiga nile-ka iyo Xurguftii ka taagnayd xiliyada labada hogaamiye dalka kala hogaaminayeen.




Labada qodob ee 3da iyo 4tu waxay tilmaamayaan wargayska hubaal inuu wax ka qoray Madaxweyne Axmed-siiraanyo! Ha noqoto caafimaadkiisa ama barbar dhig lagu sameeyay madaxweynahii hore marxuum M.I.Cigaal iyo Madaxweynaha haatan dalka hogaamiya Mudane Axmed-siiraanyo.Waxa la yaab leh madaxweyne Axmed-siiraanyo inuu wargayska uu madaxweynaha u yahay ku eedeeyo wax baad iga qortay!Maxaad ii barbar dhigtay madaxweynahii hore!Ceebeey tacaal.Madaxweyne Axmed-siiraanyo miyaano dalka dhamaantii hogaaminayn,miyaano aabo u ahayn saxaafada madaxbanaan,miyaanu madaxweyne u ahayn wargayska Hubaal mise wasiirka madaxtooyada Mudane Xirsi ayuun buu madaxweyne u yahay? Waxa aan sidaa u leeyahay ninka garanaaya madaxweyne Axmed-siiraanyo iyo tabashada uu wargayska ka tabanaayo ayaan isu qabanayn.Tani waa yaabe Xirsi ayaa laga hayay gabadh ayaa i cayday ee madaxweynahii dhamaa ee dalka aabaha u ahaa ma haduu yidhi wargayska hubaal ayaa wax iga qortay!!!




Labada qodob ee 1da iyo 2du iyagu maaha eedayn ee waa badheedh uun loola jeedo sidii loo joojin lahaa wargayska hubaal.Waayo,dee media-ha dalka iyo kuwa shisheeyahuba in badan ayay ka faaloodeen,wax jira iyo wax aan jirin-ba ka qoreen ee ma ta hubaal ayaa baasuuke sidatay!




Waxa aan ku soo afjarayaa,arrinku maaha waxbaa madaxweynaha laga qoray ee waa arag,maqal,afkana xidho.




Xuseen Xasan Badmaax
Ku-xigeenka arr.gudaha
UCID
Hargeysa/JSL