Hargeysa(GNA)-Sheikh Sh. Ismaaciil Dheeg oo ka mid ah Culimada Somaliland iyo geeska afrika, ayaa soo bandhigay Buug uu qoray oo ka hadlaya Xuquuqda Haweenka.Munaasibad lagu soo bandhigay Buuggan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Boqolaal dadweyne ah.
Buuggan ayaa si weyn loogu lafo-guray Xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee Haweenka, taasoo ay inta badan iskhilaafaan Bulshooyinka Caalamku, marka dhinac diinta laga tago ee dhaqamada laga hadlayo.
Halkan ka Daawo Bandhiga Buuga:-