,madaxweyne Siilaanyo wuxuu isku dhiibay si dhib yar ka dib markuu lumiyay kalsoonidii shacabka,
Hargaysa(GNA).Wasiirka wasaarada arimaha Somaliland mudane maxamed Biixi yoonis ayaa saacadaha soo socda shaacindoono musharaxnimada madaxweyne,ee xisbiga kulmiye,ee Doorashada madaxtooyada Somaliland, sannadka 2015, 

munaasibad balaadhan oo ay iskugu imanayaan siyaasiyiin, Salaadiin iyo shacab aad u tira badan oo lagu shaacidoono musharaxnimada wasiir Biixi yoonis ayaa lagu qabanayaa magalada hargaysa, ee Caasimada somaliland.
xafladana ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan siyaasiyiintii dagaalka u galay helida kursiga musharaxnimo ee xisbiga kulmiye oo iyagu dhib xoogani isku dhex martay kuwaas oo kala ah wsiirka maaliyada somaliland, Sheekh C/casiis maxamed Samaale iyo Muj. Muuse biixi, iyo oday hdaqameedka ay ka soo jeedaan kuwaas oo shaacindoona inay isku raaceen wasiir biixi yoonis.
dhinaca kalana warar u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland, khaasatan xafiiska madaxweyne, Siilaanyo ayaa tibaaxaaya in madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartanka doorashada isaga oo mudooyinkii u dambeeay shirar la qaatay oday dhaqameedka beesha Subeer awal iyo jifada madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo la sheegay inay aakhirkii ay isku raaceen wasiir biixi yoonis.
siku soo wada duuboo arintan ayaa waxay soo saaraysaa awooda maaxmed buuxi yoonis ka haysto shacabka reer Somaliland, iyada oo dhan kalana ay soo shaac saartay diiciifnimada madaxweyne Siilaanyo ee tartanka doorashada,iyada oo arintan loo aanaynaayo kalsooni daro kaga timi dhanka shacabka khaasatan beelaha Suubeer Awal oo iyagu ah kuwii ugu badanaa ee taageerada xoogan u hayay madaxweyne Siilanyo.
Mustafe Axmed (Herer)
gobanimonews.com/office
Hargaysa/Somaliland.
Email:Herersax@gmail.com