Hargeysa(GNA)-Ciidamo dheeraad ah oo aan hore u joogi jirin xarunta Baarlamanka ayaa la wareegay Ammaanka dhismaha labada Golle ee Madaxtooyada ka soo horjeeda.Askarta ayaa bedelay kuwii hore ee albaabka iyo Koomboolka Golaha Ilaalin jiray.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu Golaha ka istaadhanyahay Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golahaas oo ay Xukuumaddu qaniinsantahay.
Xukuumadda ayaa la sheegay inay doonayso inay gabi ahaanba la wareegto xarunta Golaha, laga bilaabo markan ay bedeshay Ciidanka.
Waxa qorshaha la hadal hayaa uu yahay in Maalinta Sabtida ee soo socota codka kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Golahaasi, sida ay ilo-wareedyo Gobanimonews u xaqiijiyeen.
Laakiinse ma cadda in bedelka Guddoomiyuhu wada saamaynayo Shir-guddoonka Golaha oo ay labadiisa ku xigeen yihiin Xisbiga Kulmiye.
Tan iyo horaantii sanadka waxa soo kordhayay kala fogaanshiyaha Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Golaha Wakiillada Cabdirxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.